HomeCaalamkaGurmad ka socda dalal ka tirsan Yurub oo gaaray Kanaalka Suweys

Gurmad ka socda dalal ka tirsan Yurub oo gaaray Kanaalka Suweys

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Doonyo Gurmad xoojin ah ayaa soo gaaray Kanaalka Suweys, halkaasi oo ay ka socoto Hawlgal lagu doonayo in lagu soo jiido Markabka weyn ee MV Ever Green, oo si gudub ah ugu xaniban Marinkaasi. Markabkaasi oo ah 400 mitir waxa uu sababay inaysan Maraakiibta kale mari Karin Kanaalkaasi, iyadoo ay 400 Markab ay haatan ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Doonyo Gurmad xoojin ah ayaa soo gaaray Kanaalka Suweys, halkaasi oo ay ka socoto Hawlgal lagu doonayo in lagu soo jiido Markabka weyn ee MV Ever Green, oo si gudub ah ugu xaniban Marinkaasi.

Markabkaasi oo ah 400 mitir waxa uu sababay inaysan Maraakiibta kale mari Karin Kanaalkaasi, iyadoo ay 400 Markab ay haatan ku xayiran yihiin labada dacal ee Kanaalka.

- Advertisement -

Warar Yididiilo leh ayaa soo baxay, iyadoo ay 2 Dooni oo dheeraad ah nooca wax jiita ee Tugboats ay ku soo wajahan yihiin Kanaalka Suweys, si ay ugu biiraan dadaalka loogu jiro in Markabka Kontaynarka ee baaxadda leh looga jiidi lahaa Kanaalka uu xayiray.

Dooni wadata Calanka Talyaaniga, laguna magacaabo Carlo Magno iyo Dooni kale oo Calanka Dutch (Netherlands) ka dul babanayo, laguna magacaabo Anchor Handling Vessel   (Alp Guard) ayaa la rumeysan yahay inay soo gaareen meel ku dhow magaalladda Suweys ee ku taalla afka Koonfureed ee Kanaalka Suweys.

Labdaa dooni waxaa la sheegay inay si wadajir ah u leeyihiin Awood jiidis oo dhan ku-dhawaad 500 oo Tan.  Doonida Anchor Handling Vessel  (Alp Guard) waxaa la dhisay sanadkii 2009-kii, halka doonida kale ee Carlo Magno la dhisay sanadkii 2006-dii.

- Advertisement -

Sida ay muujinayso Xogta Websaytka lagala socdo dhaqdhaqaaqyadda Maraakiibta ee MarineTraffic.com waxay Labadaas dooni ay Waaberigii hore ee saakayto soo gaareen Badda Cas, meel ku dhow magaalladda Suweys ee dalka Masar.

W/Q: Ustaad Nuuradiin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts