HomeWararCiidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay waddo muhiim

Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay waddo muhiim

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay wadada dheer ee xiriirisa deegaanka Deynuuney iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in wadada howlgalka la sameeyay lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ee halkaas ku safra, isla markaana […]

- Advertisement -

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay wadada dheer ee xiriirisa deegaanka Deynuuney iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in wadada howlgalka la sameeyay lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ee halkaas ku safra, isla markaana ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Taliyaha Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamed Nuur Maxamed (Mad dheere) oo ka warbixinayay howlgalka Ciidamada ayaa sheegay in wadada ay ku sugnaa jireen Al-shabaab, laguna dhibaateyn jiray shacabka.

Taliye Maxamed Nuur Maxamed ayaa Ciidamada qeybta 60-aad iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed kula dardar-may inay sii wadaan howlgalka ka socda deegaanada Maamulka.

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka waday deegaano kala duwan oo ka tirsan Maamulkaas, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Latest stories