HomeWararMadasha Badbaado Qaran oo Qoraal xasaasi ah u dirtay Beesha Caalamka

Madasha Badbaado Qaran oo Qoraal xasaasi ah u dirtay Beesha Caalamka

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Qoraal ka dhan ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo u diray Wakiilada Beesha Caalamka.

Qoraal oo ku qornaa Luuqada Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo dalka Soomaaliya si nabad ah uga dhacda, iyagoona ku eedeeyay inuu abuurayo khalalaaso siyaasadeed.

Madasha ayaa Qoraalkooda ku sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uusan xiligaan laheyd sharciyad uu shir isugu yeero Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, uuna horey u fashiliyay shirar la qabtay.

Sidoo kale Madasha Badbaado Qaran ayaa tilmaamtay in Farmaajo weli uu xaalad Colaadeed ka abuurayo Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, isla  markaana halkaas dowladda Federaalka labadii maalin ee lasoo dhaafay ku daabushay Ciidamo.

Waxaa kaloo Madasha ay xustay in Farmaajo amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan ee Magaalada Muqdisho, taa oo ay sheegeen in lagu doonayo fashilinta shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Ugu dambeyn Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga dalka kahor inta aan kulan kale la qaban, isla markaana dalbaday in Shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni la ballaariyo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay Madasha u dirtay Beesha Caalamka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories