HomeCaalamkaRa’iisul Wasaaraha Israel oo socdaal ku tegaya Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Israel oo socdaal ku tegaya Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ilo wareedyo ku sugan Telaabiib ayaa sheegaya in Netanyahu uu booqasho rasmi ah ku tagi doono Imaaraadka  Carabta beri oo Khamiis ah, booqashadaasi oo u baaqatay khamiistii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay Isfahan darro marinka safarkiisa kaga timid dhanka hawada Jordan. Sida uu daabacay Wargeyska Yediot Aharonot, Netanyahu ayaa sheegay in 4 waddan oo […]

- Advertisement -

Ilo wareedyo ku sugan Telaabiib ayaa sheegaya in Netanyahu uu booqasho rasmi ah ku tagi doono Imaaraadka  Carabta beri oo Khamiis ah, booqashadaasi oo u baaqatay khamiistii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay Isfahan darro marinka safarkiisa kaga timid dhanka hawada Jordan.

Sida uu daabacay Wargeyska Yediot Aharonot, Netanyahu ayaa sheegay in 4 waddan oo cusub oo ka tirsan kuwa Carab ay heshiisyo nabadeed la gali doonaan Israa’iil goor dhow, balse ma uusan shaacin magacyada dalalkan.

- Advertisement -

Khamiistii la soo dhaafay, Netanyahu oo adeegsanaya bartiisa Twitter-ka, qoraal uu luqadda Carabiga ku qoray  ayuu ku sheegay in caqabadahii la xariiray booqashadiisa Imaaraadka xal laga gaaray, wuxuuna yiri, “arrimahan sida muuqata waxay ka yimaadeen baajinta booqashadii Dhaxalsugaha Jordan ee Masjidka Barakeysan taasi oo ka dhalatay muran ka dhashay tallaabooyinka amniga ee la qaadayo.”

Sarkaal sare oo Israa’iili  ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in booqashadii Netanyahu ay u baaqatay sababo la xiriira diidmo ka timid Urdun taasi oo sida muuqato jawaab u ah is hortaagii ay maamulka Israa’iil ku sameeyeen booqashada dhaxalsugaha Jordan Xuseen bin Cabdullaahi ee Masjidka Al-Aqsa.

Latest stories