HomeWararSaraakiisha Ciidanka xoogga oo sheegay in ay Howlgal ku qabteen  xubno ka...

Saraakiisha Ciidanka xoogga oo sheegay in ay Howlgal ku qabteen  xubno ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, waxaana ay sheegeen in howlgalladaasi ay ahaaayeen kuwo qorsheysan oo ay ku baadi goobayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo sida ay tilmaameen ku sugan Gobboladaasi. Waxaa ay sheegeen Saraakiishu in Howlgalkii ugu dambeeyey ay ciidanku ka sameeyeen […]

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, waxaana ay sheegeen in howlgalladaasi ay ahaaayeen kuwo qorsheysan oo ay ku baadi goobayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo sida ay tilmaameen ku sugan Gobboladaasi.

Waxaa ay sheegeen Saraakiishu in Howlgalkii ugu dambeeyey ay ciidanku ka sameeyeen tuulooyinka kala ah, maguurto, Gumarrey, Kaxarrow,Doonka weynow,Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale iyo kuwa kale waxaana ay intaa ku dareen in Howlgalkaas oo qaatay saacado badan ay ku qabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha AL-Shabaab.

- Advertisement -

Taliyaha howlgalka Hoggaaminaya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay 18 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo qaalbilsanaa miina galinta waddada udhaxeysa Tixsiile iyo Afgooye.

“Muhiimada howlgalka waa  in Baaritaan lagu Sameeyo Tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan  Al-Shabaab si loo baabiyo miinooyinka ay galiyaan waddada isku xirta Tixsiile iyo Afgooye” Ayuu yiri Cabdalla Mustafe  taliyaha ciidanka howlgalka fuliyey.

Latest stories