HomeCaalamkaMadaxweynaha Masar oo Suudaan kala hadlaya Arrin lagu muransan yahay

Madaxweynaha Masar oo Suudaan kala hadlaya Arrin lagu muransan yahay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa Sabtida maanta ah booqashadii ugu horreysay ku tagay Sudan tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Omar Al-Bashir, iyadoo dalalkan deriska ah ay riixayaan in ay xalliyaan ismari-waaga diblomaasiyadeed ee ka taagan biyo xireenka weyn ee ay Ethiopia dhiseyso. Sisi waxaa sidoo kale inta uu joogo Khartoum kala hadlaya […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa Sabtida maanta ah booqashadii ugu horreysay ku tagay Sudan tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Omar Al-Bashir, iyadoo dalalkan deriska ah ay riixayaan in ay xalliyaan ismari-waaga diblomaasiyadeed ee ka taagan biyo xireenka weyn ee ay Ethiopia dhiseyso.

Sisi waxaa sidoo kale inta uu joogo Khartoum kala hadlaya madaxda Sudan amniga Badda Cas iyo xaaladaha ka soo kordhay xuduudaha Sudan, sida lagu yiri bayaan ay soo saartay madaxtooyada Masar.

- Advertisement -

Sudan ayaa wajahaysa caqabado xagga amniga ah oo ay ka mid yihiin kororka rabshadaha ka socda galbeedka gobolka Darfur iyo iska hor imaadyo hubeysan oo dhowaan ka dhacay deegaan lagu muransan yahay oo ku yaal xadka ay la wadaagto Ethiopia.

Labada dal ee Masar iyo Sudan ayaa ka walaacsan biya- xireenka Ethiopia dhisayso kaasi oo ay Addis Ababa sheegtay in uu muhiim u yahay kobcinta dhaqaaleheeda.

Wadahadal khadka taleefanka oo uu Jimcihii la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayuu Wasiirka Arimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry wuxuu “carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la bilaabo geedi socod dhab ah oo gorgortan wax ku ool ah” kuna saabsan biyo xireenka ka hor inta aan la gaarin wareega labaad ee buuxinta kaydka ee la filayo xagaaga.

Latest stories