HomeCaalamkaDowladaha Jabuuti iyo Masar oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia

Dowladaha Jabuuti iyo Masar oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhigiisa dalka Masar,  Samiix Shukri  waxay maanta ka wada hadleen Xaalladda dalalka Somalia iyo Yemen, Ammaanka Badda Cas iyo Xiriirka dalalka Jabuuti iyo Eritrea. Labada Wasiir  ayaa ku kulmay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, oo ay kaga qeyb galayaan Shirka Hordhaca ee loogu diyaar […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhigiisa dalka Masar,  Samiix Shukri  waxay maanta ka wada hadleen Xaalladda dalalka Somalia iyo Yemen, Ammaanka Badda Cas iyo Xiriirka dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Labada Wasiir  ayaa ku kulmay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, oo ay kaga qeyb galayaan Shirka Hordhaca ee loogu diyaar garoobay Shirweynaha soo socda ee Ururka Midowga Afrika ee ka furmi doona Addis Abeba.

- Advertisement -

Labada Wasiir waxay kulankooda khaaska ah la sheegay inay kaga xaajoodeen muhiimadda dhowrista Ammanka Gobalka iyo barnaamijyadda wadajirka ee Horumarinta.

Bishii December ee sannadkii hore, Dowladda Sacuudiga waxay ku dhawaaqday Koox cusub oo dalalka kaabiga ku haya Badda Cas iyo Geeska Afrika isaga kaashan doonaan sugidda Ammaanka Guud, gaar ahaan Badad Cas oo marin u ah Maraakiibta shidaalka ee ka soo gudbta Marin-biyoodka Baabul-mandab.

Isbahaysigaasi waxaa xubno ka ah dalal ay ka mid yihiin Somalia, Jabuuti, Masar, Yemen iyo Urdun.

Latest stories