HomeCaalamkaBaaritaanka dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji oo la xanibay

Baaritaanka dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji oo la xanibay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Sacuudi Carabiya ayaa si xad dhaaf ah waxa ay u xannibtay una wiiqday awooddii Turkiga uu ku baari lahaa dilka Jamaal Khaashuqji, khabiir Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sidaasi sheegtay. Warbixin hordhac ah oo ku saabsan baaritaanka ayaa waxa ay sheegaysaa in Turkiga aanan loo ogolaan inuu galo qunsuliyadda muddo 13 cisho ah halkaas oo […]

- Advertisement -

Sacuudi Carabiya ayaa si xad dhaaf ah waxa ay u xannibtay una wiiqday awooddii Turkiga uu ku baari lahaa dilka Jamaal Khaashuqji, khabiir Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sidaasi sheegtay.

Warbixin hordhac ah oo ku saabsan baaritaanka ayaa waxa ay sheegaysaa in Turkiga aanan loo ogolaan inuu galo qunsuliyadda muddo 13 cisho ah halkaas oo ah goobta lagu dilay wariyaha.

- Advertisement -

Khaashuqji ayaa markii ugu dambaysay ee la arko isagoo nool waxa uu galayay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2 bishii Oktoobar ee kal hore.

59-jirkan ayaa waxa uu caan ku ahaa dhaleecaynta Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

Sarakiisha Mareykanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay sheegeen in howlgalka noocaas oo kale ah uu u baahnaa inuu ansixiyo Amiirka.

- Advertisement -

Hasayeeshee saraakiisha Sucuudiga ayaa waxa ay ku adkaysanayaan in ninkaasi ay dileen koox aan “damiir lahayn” oo ka tirsan sirdoonka Sucuudiga oo aanan ku socon amarka Amiir Maxamed.

Xukuumadda dalkaasi ayaa waxa ay maxkamad soo taagtay 11 qof waxaana ay doonaysaa in shan ka mid ah la dilo.

Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay diiday in ay Turkiga u gacangaliso muwaadiniinteeda kaddib markii dalku uu dhowr sarkaal oo Sucuudi ah u jaray warqadihii lagu soo xiri lahaa.

XIGASHO BBC SOMALI

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories