HomeCaalamkaTahriibayaal Afrikaan ah oo lagu la’yahay laba doon oo ku degtay Xeebaha...

Tahriibayaal Afrikaan ah oo lagu la’yahay laba doon oo ku degtay Xeebaha Jabuuti

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay in ka badan 130 Tahriibayaal Afrikaan ah  lagu la’ yahay meel ka baxsan Xeebaha dalka Jabuuti, kadib, markii ay labo dooni oo aad loo buux-dhaafshay ku degeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Godariya ee Gobalka Obokoh ee dalka Jabuuti. Afhayeenka oo lagu magacaabo Joel Millman waxa uu tilmaamay […]

- Advertisement -

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay in ka badan 130 Tahriibayaal Afrikaan ah  lagu la’ yahay meel ka baxsan Xeebaha dalka Jabuuti, kadib, markii ay labo dooni oo aad loo buux-dhaafshay ku degeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Godariya ee Gobalka Obokoh ee dalka Jabuuti.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Joel Millman waxa uu tilmaamay inay Doonyaha degay  ku sii jeedeen dalka Yemen oo albaab laga galo u ah dalalka Gacanka Carabeed, halkaasi oo ay Tahriibayaal badan rajo ka qabaan inay ka heli doonaan Shaqo iyo nolol wacan.

- Advertisement -

Ciiddanka Jandermariiga ee dalka Jabuuti oo sameeyey gurmad, waxay soo heleen 2 nin oo ka badbaaday shilkaasi iyo maydadka 5 Tahriibe.

Mid ka mid ah dadka la badbaadiyey oo 18-jir ah ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay 130 Rakaab la socdeen Doonidii u ula socday, balse uusan war ka haynin tirada Tahriibayaashii la socday doonida kale ee degtay.

Latest stories