HomeCaalamkaAadan Barre Ducaale oo ka horyimid Go’aan kasoo baxay Maxkamadda Sare ee...

Aadan Barre Ducaale oo ka horyimid Go’aan kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Kenya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu Muslimiinta ka codsaday inay indhaha ku hayaan Go’aankii Maxkamadda Sare ee aan Ardayda gabdhaha Muslimiinta loo oggolaan doonin inay Xijaabka ku xirtaan Dugsiyadda dadka aan Muslimka ahayn. Ducaale oo shalay ka hadlay magaalladda Garissa waxa uu tilmaamay in xukunkaasi meesha ka saarayo Xuquuqda Gabdhaha Muslimiinta ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu Muslimiinta ka codsaday inay indhaha ku hayaan Go’aankii Maxkamadda Sare ee aan Ardayda gabdhaha Muslimiinta loo oggolaan doonin inay Xijaabka ku xirtaan Dugsiyadda dadka aan Muslimka ahayn.

Ducaale oo shalay ka hadlay magaalladda Garissa waxa uu tilmaamay in xukunkaasi meesha ka saarayo Xuquuqda Gabdhaha Muslimiinta ee ku cad Dastuurka Kenya.

- Advertisement -

Wargeyska The Star ayaa  qoray in Aadan Barre Ducaale oo ah Xildhibaan laga soo doorto magaalladda Garissa uu sheegay inuusan qofna xaq u lahayn inuu soo fargeliyo arrintaasi, wuxuuna yiri: “Annaga, Muslimiinta waxaan sii wadi doonaan inay Carruurteenna xijaabka ku aadan Dugsiyadda”.

Wargeyska waxa sii raaciyey inuu Adaan Ducaale sheegay inay Maxkamaddu ka fekerto arrimaha muranada Doorashadda, balse ma aha Diinta oo uu xusay inay tahay lama-taabtaan.

Dooda Xijaabka Ardayda Muslimiinta timid, kadib, markii ay  Maxkamadda Sare ee Kenya Khamiistii hore laashay Xukun ay Maxkamadda Rafcaanka ku go’aamisay inay Ardayda Muslimiinta xijaab ku tagaan Dugsiyadda.

- Advertisement -

3 Arday Muslimiin ayaa laga joojiyey sannadkii 2014-kii Dugsi Sare oo ku yaalla magaalladda Isiyoola, kadib, markii ay xirteen Qamaarka ay Haweenka Muslimiinta xirtaan.

Xukunka Maxkamadda Sare ee Kenya waxa uu fal-celin adag ka dhex maray gudaha dadka Muslimiinta ee ku nool gudaha dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts