HomeMaqalWareysi:-Xildhibaan Carfo Ibraahim oo faah faahiyay weerkii Bambaano ee Caawa lagu qaaday...

Wareysi:-Xildhibaan Carfo Ibraahim oo faah faahiyay weerkii Bambaano ee Caawa lagu qaaday Hoygiisa

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Caawa fiidkii ayay aheyd markii Hoyga uu Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka degan yahay Xildhibaan Carfo Ibaahim Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed karna soo noqday Guddoomiyaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed wallow markii dambe is casilay. Xildhibaanka oo Caawa wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in bambaanooyinka gurigiisa lagu weeraray ay ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Caawa fiidkii ayay aheyd markii Hoyga uu Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka degan yahay Xildhibaan Carfo Ibaahim Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed karna soo noqday Guddoomiyaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed wallow markii dambe is casilay.

Xildhibaanka oo Caawa wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in bambaanooyinka gurigiisa lagu weeraray ay ka dambeeyeen Al-Shabaab,isla markaana xilliga bambada lagu tuurayay uu isaga guriga ka maqnaa.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in weerarkaasi bambaano ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah ilaaladiisa iyo laba ruux oo kale oo wadada mareysay,hayeeshee uu sheegay in raggii weerarka geystay ay baxsadeen.

Wararka Caawa naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa bambaanooyin lagu weeraray Hoyga uu Magalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya,marna soo noqday Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed,hayeeshee uu markii dambe is casilay.

Rag la sheegay inay wateen gaari ayaa Hoyga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan bambaanooyin ku weeraray,waxaana lagu soo waramayaa in bambaanooyinkaas ay ku dhaawacmeen laba ruux oo mid ka mid ah ilaalada Xildhibaanka uu yahay iyo qof wadada marayay.

- Advertisement -

Isaga sii hadlayay ayuu sheegay in ragga bambaanooyinka Hoygiisa ku weerarayay wateen Gaari yar oo nooca raaxada ah,balse weerarka kadib ay rasaas ku fureen Ciidamada ilaalada ka ah hoygiisa,kaidbna ay baxsadeen.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Carfo Ibaahim Aadan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts