HomeCaalamkaMaxkamad amartay in Xabsiga lagu sii hayo dad lagu tuhunsan yahay Weerarkii...

Maxkamad amartay in Xabsiga lagu sii hayo dad lagu tuhunsan yahay Weerarkii Nairobi

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

3 Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay Telefoon kula hadleen dad ku sugan gudaha Somalia ayaa shalay la soo taagay Maxkamad, waxayna Ciiddanka Boliska codsadeen in loo oggolaado inay Eedeysanayaasha sii hayaan muddo 30-maalmood ah. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Boliska ku tuhunsan yihiin Eedeysanayaashaasi weerarkii ay Al-Shabaab isbuucii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

3 Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay Telefoon kula hadleen dad ku sugan gudaha Somalia ayaa shalay la soo taagay Maxkamad, waxayna Ciiddanka Boliska codsadeen in loo oggolaado inay Eedeysanayaasha sii hayaan muddo 30-maalmood ah.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Boliska ku tuhunsan yihiin Eedeysanayaashaasi weerarkii ay Al-Shabaab isbuucii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, ee ay 21-qof ku geeriyootay.

- Advertisement -

Wargeyska waxa uu qoray in La-tuhunsanayaasha la xiray uu ku jiro Iimaam Masjid ku yaalla Mandhera iyo Nin Ethiopian ah iyo Haweeney Kenyan ah, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Mukhtaar Cali, Zakiina Cabdalla oo Kenyan ah iyo Isaaq Xuseen oo Ethiopian ah.

Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, oo lagu magacaabo MONIKA GATHAYGA ayaa sheegay in saddexdaasi qof laga duubay Codad, xilli ay Telefoonka kula hadlayeen dad ku sugan gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay maalmihii la soo dhaafay wadeen Hawlgalo ay ku soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay Weerarkii Hotelka DUsit D2, iyadoo qaar ka mid ah La-tuhunsanayaasha la sii daayey, halka kuwa kalena weli ay ku jiraan Xabsiyadda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts