HomeWararKenya oo shaacisay halka lagu hayo Haweeney Talyaani ah oo laga afduubtay...

Kenya oo shaacisay halka lagu hayo Haweeney Talyaani ah oo laga afduubtay dalkaas

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta ee dalkaasi, Markus Ojola ayaa sheegay in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo SALFIYA ROMANO weli afduub loogu haysto gudaha dalka Kenya, wuxuuna beeniyey in Haweeneydaasi loo gudbiyey gudaha Somalia. Haweeneydaasi oo 23-jir ah waxaa  bishii November 20-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii laga afduubtay Gobalka Malindi, balse aan la aqoonin halka ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta ee dalkaasi, Markus Ojola ayaa sheegay in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo SALFIYA ROMANO weli afduub loogu haysto gudaha dalka Kenya, wuxuuna beeniyey in Haweeneydaasi loo gudbiyey gudaha Somalia.

Haweeneydaasi oo 23-jir ah waxaa  bishii November 20-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii laga afduubtay Gobalka Malindi, balse aan la aqoonin halka ay Afduubayaasha la aadeen.

- Advertisement -

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta ee dalkaasi, Markus Ojola waxa uu tilmaamay inuu weli socdo baadi-goobkeeda, isla markaana ay hayaan warar horseedi kara in la so obadbaadiyo Haweenydaasi, lana soo xiro kuwa afduubtay.

Mar sii horreysay, Boliska Kenya waxay sheegeen  in hawlgalkooda Gurmadka uu hakiyey Cimiladda oo xun iyo Shabakadda Isgaarsiinta oo aad u liidata.

In ka badan 100 qof ayey Boliska Kenya u xireen Afduubka Haweeneydaasi, inkasto oay dadkaasi beeniyeen inaysan wax lug ah ku lahayn falkaasi.

- Advertisement -

Bishii November, Boliska Kenya waxay sheegeen inay Abaalmarin lacageed oo dhan 3 million Shillinka Kenya siin doonaan cidda keenta xog lagu soo qaban karo saddexda Eedeysane ee muhiimka u ah Afduubka Haweeeneydaas u dhalatay Talyaanigga oo u shaqayn jirtay Hay’ad aan Dowli ahayn oo lagu maagacaabo Africa Milele Onlus.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts