HomeCaalamkaKenya oo sheegtay inay qabatay dad lala xiriirinayo Weerarkii Al-Shabaab ee Hotelka...

Kenya oo sheegtay inay qabatay dad lala xiriirinayo Weerarkii Al-Shabaab ee Hotelka Dusit D2

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 3 qof oo dheeraad ah, kuwaasi oo uu sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Talaadadii hore lagu qaaday Hotelka Dusit D2 ee ku yaalla Bartamaha Nairobi. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi oo soo xiganaya Hadal-qoraal oo uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 3 qof oo dheeraad ah, kuwaasi oo uu sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Talaadadii hore lagu qaaday Hotelka Dusit D2 ee ku yaalla Bartamaha Nairobi.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi oo soo xiganaya Hadal-qoraal oo uu Afhayeenka Boliska soo saaray ayaa qoray in magacyadda xubnaha la soo qabtay lagu kala sheegay: Ibraahim Cali Buyo iyo Aadan Xasan, kuwaasi oo uu xusay in lagu soo qabtay Deegaanka Alinjungar oo ka tirsan Garissa, halka Maxamed C/raxmaan  Cabdalla oo 40-jir ah lagu qabtay Suuqa Xeradda Xagar-dheer ee W/bari ee Kenya.

- Advertisement -

Sidoo kale, Afhayeenka Boliska dalkaasi waxa uu sheegay in tirada guud ee dadka laga shakisan yahay ee ay qabteen haatan gaarayaan 8 qof, iyadoo 5 ka mid ah dadkaasi ay dhawaan ka soo hor muuqdeen Maxkamadda MILIMANI ee Nairobi.

Dhinaca kale, Wargeyska The Standard ayaa qoray in la sii daayey Nin Kenyan iyo gabar uu dhalay oo  u dhixi jirtey mid ka mid ahaa Dgaalaamayaashii Alshabaab ee fuliyey Weerarkii Hotelka Dusit D2 Hotel ee Nairobi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts