HomeCaalamkaKenya oo sheegtay inay qabatay dad lala xiriirinayo Weerarkii Al-Shabaab ee Hotelka...

Kenya oo sheegtay inay qabatay dad lala xiriirinayo Weerarkii Al-Shabaab ee Hotelka Dusit D2

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 3 qof oo dheeraad ah, kuwaasi oo uu sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Talaadadii hore lagu qaaday Hotelka Dusit D2 ee ku yaalla Bartamaha Nairobi. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi oo soo xiganaya Hadal-qoraal oo uu […]

- Advertisement -

Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 3 qof oo dheeraad ah, kuwaasi oo uu sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Talaadadii hore lagu qaaday Hotelka Dusit D2 ee ku yaalla Bartamaha Nairobi.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi oo soo xiganaya Hadal-qoraal oo uu Afhayeenka Boliska soo saaray ayaa qoray in magacyadda xubnaha la soo qabtay lagu kala sheegay: Ibraahim Cali Buyo iyo Aadan Xasan, kuwaasi oo uu xusay in lagu soo qabtay Deegaanka Alinjungar oo ka tirsan Garissa, halka Maxamed C/raxmaan  Cabdalla oo 40-jir ah lagu qabtay Suuqa Xeradda Xagar-dheer ee W/bari ee Kenya.

- Advertisement -

Sidoo kale, Afhayeenka Boliska dalkaasi waxa uu sheegay in tirada guud ee dadka laga shakisan yahay ee ay qabteen haatan gaarayaan 8 qof, iyadoo 5 ka mid ah dadkaasi ay dhawaan ka soo hor muuqdeen Maxkamadda MILIMANI ee Nairobi.

Dhinaca kale, Wargeyska The Standard ayaa qoray in la sii daayey Nin Kenyan iyo gabar uu dhalay oo  u dhixi jirtey mid ka mid ahaa Dgaalaamayaashii Alshabaab ee fuliyey Weerarkii Hotelka Dusit D2 Hotel ee Nairobi.

Latest stories