HomeCaalamkaCanada oo xaqiijisay in Nin heysta dhalashada dalkaas loo xiray weerarkii Nairobi

Canada oo xaqiijisay in Nin heysta dhalashada dalkaas loo xiray weerarkii Nairobi

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Caalamka Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Kanada ayaa lagu sheegay inay ka war hayaan   in Muwaadin Kanadiyaan ah oo lagu magacaabo Guuleed C/xakiim  ku xiran yahay dalka Kenya, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lahaa Weerarkii ay Al-Shabaab dhawaan ku qaadeen Hotelka Dusit D 2 ee magaalladda Nairobi.

Guuleed C/xakiim iyo afar Kenyan ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Milimani  ee magaalladda Nairobi, iyadoo ay Maxkamaddu amartay in muddo 30-maalmood sii xirnaadaan, inta ay Dembi-baarayaasha ka soo dhamaystirayaan Baaritaankooda.

- Advertisement -

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Calaamka ee Kanada, Filib Hanan waxa uu sheegay inay Dowladda Kenya kala shaqeynayaan sidii uu Muwaadinka Kanadiyaanka u heli lahaa Xukun Caadil ah, wuxuuna intaasi ku daray inay Qunsulliyadda adeeg u fidinayso Qoyska C/Xakiim Guuleed.

Afhayenka waxa uu sheegay inuu Sharcigu ka mamnuucayo inuu Saxaafadda la wadaago faahfaahino kale.

Qoyska C/Xakiim Guuleed waxay u xaqiijiyeen Wargeyska Global News ee ka soo baxa Kanada in uu Guuleed C/xakiim haatan ku sugan yahay Kanya, balse aysan ka hadli karin xarigiisa.

- Advertisement -

Guuleed Xakiim oo 46-jir ah waxa uu haystaa dhalashadda Kanada, wuxuuna ka soo jeedaa magaalladda Edmonton ee Gobalka Ontario ee dalka Kanada.

Latest stories