HomeCaalamkaHaweeney la sheegay inay Shabaab u fududeysay weerarkii Hotel Dusit D2 oo...

Haweeney la sheegay inay Shabaab u fududeysay weerarkii Hotel Dusit D2 oo la baadi goobayo

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wargeyska The Standard ayaa qoray inay Hay’addaha Ammaanka Kenya baadi-goob ugu jiraan Haweeney u dhalatay dalkaasi oo magaceeda lagu sheegay Maryan Cabdi, taasi oo lagu eedeynayo inay fududeysay Hubkii ay Al-Shabaab u adeegsadeen Weerarkii  Tallaadadii hore lagu qaaday Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, waa sida uu Wargeysku qoray. Saraakiil ka socday Boliska Kenya ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska The Standard ayaa qoray inay Hay’addaha Ammaanka Kenya baadi-goob ugu jiraan Haweeney u dhalatay dalkaasi oo magaceeda lagu sheegay Maryan Cabdi, taasi oo lagu eedeynayo inay fududeysay Hubkii ay Al-Shabaab u adeegsadeen Weerarkii  Tallaadadii hore lagu qaaday Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, waa sida uu Wargeysku qoray.

Saraakiil ka socday Boliska Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda ayaa la sheegay inay ku guul-daraysteen inay Haweeneydaasi ka soo helaan Degmadda Eldoret oo la filayey inay ku sugnayd.

- Advertisement -

Saraakiishaasi waxay kaloo ku fashilmeen inay Haweeneydaasi Khamiistii hore ka soo qabtaan  magaalladda Mombasa.

Saraakiil kale ayaa iyagana la sheegay in loo diray magaalladda Malindi, si ay Haweeneydaasi u baadi-goobaan.

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in Maryan Cabdi ay asal ahaan ka soo jeedo Deegaanka Bondeni ee Mombasa ay xubin sare ka tahay Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen

- Advertisement -

Haweeneydaasi waxa la sheegay inay Qoryo noocoodu yahay AK 47 si dhuumaalaysi ah ku soo gelisay Kenya, iyadoo  Alshabaab dhowr jeer horey ugu adeegsadeen Hawlgalladda ay ka fuliyaan gudaha Kenya, waa sida uu Wargeyska The standard qoray.

Wargeysku waxa uu qoray inay Qoryahaasi la mid yihiin Hub ay Dowladda Ethiopia ugu deeqday Ciiddanka DFS  sannadkii 2013-kii,  xilligaasi oo Somalia la qaaday qeyb ka mid ah Cunaqabataynta Hubka ee ay QM soo rogtay sannadkii 1991-kii.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts