HomeCaalamkaSawirrro:-Wararkii u dambeeyay ee weerarkii Magalada Nairobi

Sawirrro:-Wararkii u dambeeyay ee weerarkii Magalada Nairobi

Date:

Related stories

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...
- Advertisement -

Booliska dalka Kenya ayaa sheegaya in ay gaareen dabaqa lixaad ee hoteelka la weeraray, ayna rajeynayaan in goor dhow ay weerarkaasi soo afjari doonaan.

Taliayaha booliska Joseph Boinett ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu hoteelka ka soo galay albaabka, sidaana ay ugu fududaatay in ragga hubeysan ay gudaha u galaan. Ilaa haatan lama shaacin khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi. Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

- Advertisement -

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. Inkastoo aysan faafaahin dheeraad ah bixin, Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerareen dhismo muhiim ah oo ku yaal xaafadda Westlands ee Nairobi isla markaana dagaallameyaashoodu ay gudaha u galeen dhismahaasi.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo, waxaana la arkayay iyaga oo samatabixinaya dadkii ku xayirnaa gudaha dhismahaasi.

- Advertisement -

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, iyo dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay. Ciidamada ammaanka ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay.

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxaana qoraal uu boolisku soo dhigay Twitter-ka lagu sheegay in la xiray waddooyinka ka ag dhow goobta uu weerarka ka dhacay.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen dhismaha hoteelka DusitD2, isla markaana raggii weerarka soo qaaday ay ku jiraan gudaha dhismahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadu ay weerarkaasi ku soo afjari doonaan sida ugu dhakhsaha badan. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in dhaawacyo dhawr ah ay jiraan, booliskuna ay isku dayayaan in ay xaqiijiyaan sida ay wax u dahceen.

Kenya ayaa dhawr jeer oo hore waxaa ka dhacay weerarro intooda badan ka dhacayay deegaannada u dhow xudduudda Soomaaliya. Bishii Sebteembar ee 2013 Al-Shabaab ayaa galay Westgate oo ah goob laga dukaameysto oo ku taal Nairobi.

Weerarkaasi oo socday sku dhawaad afar maalmood ayaa waxaa ku dhintay 67 qof.

Laba sano ka dib, Al-Shabaab ayaa geysatay weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ay ku dhinteen qiyaastii 150 qof ka dib markii ay weerar ku qaadeen Jaamacad ku taal magalaada Garissa ee woqooyi bari Kenya.

Latest stories