HomeWararSawirro:-Ciidamada Ammaanka oo joojiyay Siminaar u socday Xisbiga Wadajir

Sawirro:-Ciidamada Ammaanka oo joojiyay Siminaar u socday Xisbiga Wadajir

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Wadajir kaas oo  ka socday Hotelka Maka Almukarama ee Magalada Muqdisho. Siminaarkaan ayaa shalay soo bilaawday,waxana uu ahaa mid dhalinyarada ka tirsan Xibsiga Wadajir lagu barayay hoggaaminta iyo wacyiga Siyaasada ee markaasi lagu jiro. Maanta oo Isniin ah ayaa la filayay in lasoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Wadajir kaas oo  ka socday Hotelka Maka Almukarama ee Magalada Muqdisho.

Siminaarkaan ayaa shalay soo bilaawday,waxana uu ahaa mid dhalinyarada ka tirsan Xibsiga Wadajir lagu barayay hoggaaminta iyo wacyiga Siyaasada ee markaasi lagu jiro.

- Advertisement -

Maanta oo Isniin ah ayaa la filayay in lasoo geba gabeeyo Siminaarka,hayeeshee Ciidamo boolis ah ayaa tegay Hotelka sida Radio Dalsan Wararka ku helayo,kuwaas oo Maamulka Hotelka ku amray in la joojiyo Siminaarka.

Hoggamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku shaaciyay in Siminaarka sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir lagu joojiyay Amar kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir.

- Advertisement -

Waxa uu sidoo kale sheegay in Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ay cabburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxda Dowladda Soomaaliya weli wax jawaab ah kama bixin tallaabadaan lagu joojiyay Siminaarka u socday Xisbiga Wadajir iyo eedeynta ka timid hogaamiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts