HomeWararWaa kuma Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland?

Waa kuma Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ee Maamul goboleedka Puntland ayaa loo doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed). Wareeggii hore ee doorashada ayuu helay 37 cod, Halka Cabbdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 15 cod, ayadoo Abwaan Cabdirashiid Jibriil-na uu helay 5 cod oo kaliya. Sidaas waxaa wareegga labaad ugusoo gudbay Cabdixakiin Dhoobo Daareed iyo Cabdijamaal Cismaan. Hase ahatee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ee Maamul goboleedka Puntland ayaa loo doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Wareeggii hore ee doorashada ayuu helay 37 cod, Halka Cabbdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 15 cod, ayadoo Abwaan Cabdirashiid Jibriil-na uu helay 5 cod oo kaliya.

- Advertisement -

Sidaas waxaa wareegga labaad ugusoo gudbay Cabdixakiin Dhoobo Daareed iyo Cabdijamaal Cismaan.

Hase ahatee wareeggii labaad ayaa guddoomiyaha la doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed waxa uu ku guulaystay 43 cod halka Cabdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.

Madaxda ugu sarraysa maamulka Puntland ee uu kamidka yahay Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa doorta golaha baarlamaanka maamulkaas oo gaaraya 66 xildhibaan.

- Advertisement -

Horay waxaa xilka Guddoomiyaha baarlamaanka u hayey Axmed Cali Xaashi oo haatan waqtigiisii xil hayntu uu dhammaaday.

Puntland wali kama hirgalin nidaamka axsaabta badan ayadoo madaxweynaha haatan waqtigu kasii dhamaanayo iyo kuwii ka horreeyayba ay ballan qaadeen doorasho qof iyo cod ah.

Waa Kuma Dhoobo Daareed?

Dhoobo Daareed Waxa uu kamid ahaa xildhibaanadii uu waqtigoodu dhammaaday,horayna waxa uu ugasoo shaqeeyey Shirkadda isgaarsiinta ee Golis.

Waxa uu kamid ahaa ururkii Al Itaxaad oo 1992-dii iskudayay in ay gacanta ku dhigaan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dadka yaqaan waxa ay sheegaan in uu yahay nin dabeecad wanaagsan, waxa uuna ka agdhow yahay urur diimeedka Al ictisaam.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts