HomeWararSawirro:-Qodobo laga soo saaray Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

Sawirro:-Qodobo laga soo saaray Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo uu guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa lagaga hadlay qorshaha faya dhowrka Caasimadda, amniga, Olalaha Isxilqaan iyo fursadaha shaqo abuurka dhallinyarada ee sanadkan 2019. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la wadaagay Maamulka Degmooyinka muhiimadda ay leedahay dardar gelinta bilicda Caasimadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo uu guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa lagaga hadlay qorshaha faya dhowrka Caasimadda, amniga, Olalaha Isxilqaan iyo fursadaha shaqo abuurka dhallinyarada ee sanadkan 2019.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la wadaagay Maamulka Degmooyinka muhiimadda ay leedahay dardar gelinta bilicda Caasimadda iyo baahinta adeegyada asaasiga, isagoona sheegay in sanadkan la kordhindoono kormeerka iyo la socodka shaqooyinka joogtada ah ay u xilsaaran yihiin dawladaha Hoose ee Degmooyinka Gobolka.

- Advertisement -

Shirkan ayaa ku qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Deyniile, iyadoona Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ay soo bandhigeen qorsheyaashooda waxqabad ee ku aaddan sanadkan ee arrimaha bulshada, la dagaalanka musuq maasuqa iyo baahinta adgeeyada asaasiga ah.

Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyeyaasha cusub ee dhawaan loo magacaabay Degmooyinka Cabdicasiis iyo Yaaqshiid, iyagoona kula dardaarmay in ay si siman uga adeegaan bulshadooda, dadaalna geliyaan baahinta adeegyada asaasiga ah.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyey sida bulshada Gobolku ay uga qeyb qaadanayaan Olalaha Isxilqaan, kaddib markii muddo kooban lagu hirgelyey qorshaha dib u dhiska Tiyaatar-ka, Garoonka Muqdisho iyo Madxafka Qaranka.

- Advertisement -

Sidoo kale, En.Yarisow iyo maamulka Degmooyinka ayaa kormeer ku tagay mashaariic horumarineed oo ka socda degmada Deyniile oo shirka marti gelinaysay, mashaariicdaas oo ay ka mid tahay garoonka diyaaradaha ee Degmada Deyniile, waddooyin iyo xarunta degmada oo dib u dhis lagu wado.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts