HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uusoo saaray waxa uu kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) oo maanta ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho,isagoo Alle uga baryay inuu siiyo naxriistiisa,ehelkiisa,golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uusoo saaray waxa uu kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) oo maanta ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho,isagoo Alle uga baryay inuu siiyo naxriistiisa,ehelkiisa,golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun Anigoo ku hadlaya magaceyga,kan Guddoonka Golaha Shacabka iyo kan Guud ahaan Xildhibaanada waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka, xildhibaanka uu ka geeriyooday,Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Allaha ha u naxriisto ,Kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo.

- Advertisement -

Xildhibaanka waxa uu ahaa qof wadani ah oo jecel horumarka dowladnimada Dalka,waxa uu ahaa shaqsiyadiisa qof af gaaban oo Mar walba cibaadada Alle ku dadaala,naxariis badan Alle ka cabsigana dadka ku waaniya Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo Anagana gadaashiisa nama fidneeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

Latest stories