HomeWararCiidamada Dowladda oo kala Eryay dad banaanbax ka dhigayay Muqdisho

Ciidamada Dowladda oo kala Eryay dad banaanbax ka dhigayay Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dad u badan dhalinyaro ayaa waxa ay banaanbax ka dhigeen Isgoyska Fagax,kuwaas oo ka careysan dil xalay Nin darawal Mooto Babaajla ahaa loogu geystay halkaas. Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa  xirtay laga soo bilaabo Isgoyska Toowfiq ilaa Shakti Tailor oo ah Goob dharka lagu tolo,waxana ay ku dhawaaqayeen in gacanta lagu dhigo Askari ka dambeeyay dilka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dad u badan dhalinyaro ayaa waxa ay banaanbax ka dhigeen Isgoyska Fagax,kuwaas oo ka careysan dil xalay Nin darawal Mooto Babaajla ahaa loogu geystay halkaas.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa  xirtay laga soo bilaabo Isgoyska Toowfiq ilaa Shakti Tailor oo ah Goob dharka lagu tolo,waxana ay ku dhawaaqayeen in gacanta lagu dhigo Askari ka dambeeyay dilka Ninka Darawalka ahaa.

- Advertisement -

Ninka darwalka ahaa ee la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Axmed Jiile Qaroole,waxanaa la sheegay in uu dilkiisa ka dambeeyay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dadka ka careysan dilkaas ayaa Laamiga kasoo bilaawdo Isgoyska Fagax ilaa meel u dhow Hotel Towfiiq ay ku gubeen taayaro,iyaga oo u diidaya inay Gaadiidka isticmaalaan.

Wariye ka tirsan Radio Dalsan oo soo maray goobta banaanbaxa ka jiray ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay tageen Goobta,isla markaana ay isku-dayayaan inay kala eryaan dadka banaanbaxa dhigaya.

- Advertisement -

Ninka la dilay ayaa ka mid ahaa Wadayaasha Mooto bajaajta,waxaana sidoo kale uu horay u wadi jiray mid ka mid ah Gawaarida Homeyda loo yaqaano ee ka Shaqeeysa degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts