HomeWararDagaal culus oo ka dhacay duleedka deegaanka Qalimow

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka deegaanka Qalimow

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Maanta duleedka Tuulada Qalimow oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Maleeshiyo beeleed. Ciidamada Dowladda ka tirsan oo ku wajahnaa Magalada Jowhar ayaa ka wareegay dhinaca laamiga gaar ahaan tuulada Ilbiq oo dhowr mar […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Maanta duleedka Tuulada Qalimow oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Maleeshiyo beeleed.

Ciidamada Dowladda ka tirsan oo ku wajahnaa Magalada Jowhar ayaa ka wareegay dhinaca laamiga gaar ahaan tuulada Ilbiq oo dhowr mar rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ka sameeyeen.

- Advertisement -

Hayeeshee meel duleedka ka ah tuulada Qalimow ayaa la sheegay inay rasaas kusoo rideen maleeshiyo deegaankaas ku sugneyd kuwaas oo uga shakiyay inay yihiin maleeshiyaad kale oo dagaal kala dhaxeeyay inay soo weerareen.

Dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ayaa wararka aan helnay waxa ay sheegayan in Ciidamada Dowladda ay gacanta ku dhigeen una kaxeeyeen dhinaca Magalada Jowhar laba ka mid ah maleeshiyaadkii,waxaana dagaalkaas sidoo kale ku dhintay Saddex kale.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowladda ee la rasaaseeyay ay sinabad ah ku tageen Magalada Jowhar,hayeeshee Saddex ay ka qabteen maleeshiyaadka ay u qaateen inay yihiin Al-Shabaab deegaankaas ku sugnaa.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda weli kama hadlin dagaalkaas galabta ka dhacay duleedka tuulada Qalimow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Latest stories