HomeWararMareykanka oo faah faahiyay duqeyn lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

War ka soo baxay Taliska Howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano(Africom) ayaa waxaa lagu faah faahiyay duqeymo dhinaca Cirka ah oo saacadihii la soo dhaafay uu Mareykanka ka fuliyay dalka Soomaaliya. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeymahaas ay ahaayeen kuwo ay ku taageerayaan dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ay ku difaacayaan Shacabka Soomaaliyeed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War ka soo baxay Taliska Howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano(Africom) ayaa waxaa lagu faah faahiyay duqeymo dhinaca Cirka ah oo saacadihii la soo dhaafay uu Mareykanka ka fuliyay dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeymahaas ay ahaayeen kuwo ay ku taageerayaan dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ay ku difaacayaan Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

“Annaga oo taageero siineyno dowladda Federaalka Soomalaiya kuna difaaceyno Shacbaka Soomaaliyeed,ayaa 27/11/2018 waxaan duqeyn dhinaca circa ah ka fulinay deegaanka Quy Cad,waxana beegsanay Saraakiil Shabaab ah oo aan ku dilnay Saddex Sarkaal ayaa lagu yiri War ka soo baxay Africom.

Warka ka soo baxay Africom ayaa waxaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in howlgallada ay Soomaaliya ka fuliyeen saacadihii la soo dhaafay in aysan khasaaro ka soo gaarin dad rayid ah.

Gaba-gabadii ayaa qoraalka Africom waxaa lagu yiri’Mareykanka waa uu sii wadi doonaa duqeymaha uu la bartilmaameedsanayo Saraakiisha Al-Shabaab,Annaga oo taageereyso Ciidamada Dowladda iyo Saaxiibadeena Amisom.

- Advertisement -

Si kastaba mudo laba todobaad gudahood ayaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn waxa ay duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Mudug,waxana Mareykanka uu sheegay in duqyntaas ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts