HomeCaalamkaItoobiya:Haweeney loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada

Itoobiya:Haweeney loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Gabadh dibad joog ah oo horay garsoore u soo noqotay mucaaradka magaca lehna ka mid ah ayaa loo xushay in ay hoggaamiso guddiga doorashada qaran ee dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa noqnaysa darajo kale oo heer sare ah oo dawladdu ay siisay qof dumar ah.

- Advertisement -

Birtukan Mideska ayaa bishan horraanteedii uun ku laabatay dalka Itoobiya ka dib markii ay toddoba sano dibad joog ku hayd dalka Maraykanka.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa meel mariyay magacaabidda Birtukan Mideska.

Birtukan ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib doorashadii aadka loogu loolamay ee sannadkii 2005tii.

- Advertisement -

Garsoorahan hore ayaase hadda dusha kala socon doonta doorasha guud ee dalka Itoobiya ka dhici doonta bisha May ee 2020.

Caqabadda ugu wayn ee ay wajahayso waa in ay hagaajiso sumcadda guddiga doorashada oo si joogto ah loogu eedeeyo in dawladdu ay farogaliso guddiga.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ayaa isbadallo ballaaran la yimid kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu la heshiiyay dalka ay dariska yihiin ee Eritrea, in uu siidaayay maxaabiistii siyaasadda iyo in uu soo dhaweeyay mucaaradkii hubaysnaa ee dibad joogga ahaa.

Latest stories