HomeMaqalDhageyso:-Xildhibaan Warsame Joodax”Duqa Muqdisho yuusan ku mashquulin Siyaasad ee amniga Caasimadda…

Dhageyso:-Xildhibaan Warsame Joodax”Duqa Muqdisho yuusan ku mashquulin Siyaasad ee amniga Caasimadda…

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan(Joodax) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka marna xil ka soo qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir. Warsame Joodax ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Shaqooyinkii loo xilsaaray uusan qaban,isla markaana taasi ay dhalilsay amnidarrada ka jirta Magalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir […]

- Advertisement -

Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan(Joodax) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka marna xil ka soo qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Warsame Joodax ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Shaqooyinkii loo xilsaaray uusan qaban,isla markaana taasi ay dhalilsay amnidarrada ka jirta Magalada Muqdisho.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir laga doonayo in uu ka Shaqeeyo sidii uu isugu xiri lahaa Laamaha kala duwan ee amniga,sida Booliska iyo Nabadsugida.

“Hadii sida ay tahay uu u Shaqeyn lahaa Maamulka Gobolka Banaadir,waxaan oo dhan naguma dhaceyn,balse waxaan rabnaa in aan maalin walba tacsi ku jirin Duqa Muqdishana uusan ku jeesan howlo Siyaasadeed balse uu ka Shaqeeyo horumarinta amniga ayuu yiri Xildhibaan Warsame Joodax.

Hadalka Xildhibaan Warsame Joodax ayaa ku soo aadaya xilli maalin ka hor weerar ismiidaamin ku bilaawday lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho weerarkaas oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Warsame Joodax.

Latest stories