HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu kaga soo qeyb galay magaalada Bahra Daar ee dalka Itoobiya shir ku saabsan xoojinta heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Shirkan oo ahaa kii labaad ee wada jir ay u yeelanayaan Madaxweyne Maxamed […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu kaga soo qeyb galay magaalada Bahra Daar ee dalka Itoobiya shir ku saabsan xoojinta heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Shirkan oo ahaa kii labaad ee wada jir ay u yeelanayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dhiggiisa Dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, ayaa waxa ay isku raaceen in ay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha guud iyo kuwa gaarka ah ee ay wajahayaan dalalkan saddexda ah.

- Advertisement -

Warmurtiyeedka wadajirka ah ayaa lagu adkeeyay muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda dalalka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo guulaha la taaban karo ee Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Raiisal Wasaare Abiy Axmed, shacabka iyo Dowladda Itoobiya soo dhawaynta diirran iyo martisoorka ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya labada dal.

- Advertisement -

Wajiga saddexaad ee shirka iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa la qorsheeyey in uu ku qabsoomo magaala Muqdisho.

Latest stories