HomeCaalamkaSawirro:-Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo ka qeyb galay Shirka Turkiga iyo...

Sawirro:-Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo ka qeyb galay Shirka Turkiga iyo Wadamada Afrika

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka Turkiga. Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka Turkiga.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.

- Advertisement -

Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika ayaa soconaya 10- 11 bishan Oktoobar, loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkani ayaa waxaa badanaa loogu talagalay dhiirrigelinta Afrika iyo maalgashiga Turkiga, iyada oo la falanqeynayo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Turkiga, waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu muujiyo rajada laga filayo Agenda 2063 oo ah barnaamij loogu talagalay isbedelka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo Afrika ka dhigaysa mid ah barwaaqo, midnimo iyo dhaqaale oo madax-bannaan.

Shirkaasi oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Ordegan, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirada Dalalka Afrika, NGO-yada, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Golaha Ganacsiga, Ururada, Ururada Xirfadleyda iyo Ganacsatada ka kala socda Turkiga, Safiirada Safaarada Afrika ee Turkiya iyo Warbaahinta Turkiga iyo Afrika.

- Advertisement -

Shirkani ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Maanta oo khamiis ah, lana rajeynayo inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Afrika iyo Turkiga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts