HomeCaalamkaSawirro:-Ciidamo Gadoodsan oo tegay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

Sawirro:-Ciidamo Gadoodsan oo tegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ciidamo ka tirsan kuwa federaalka dalka Itoobiya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay tageen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku yaalla Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Ciidamadaan oo boqolaal kor u dhaafaya ayaa waxa ay qabaan cabasho ku aadan in mushaar kordhin loo sameeyo,waxaana taasi ay keentay in isku-socodka dadka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa federaalka dalka Itoobiya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay tageen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku yaalla Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Ciidamadaan oo boqolaal kor u dhaafaya ayaa waxa ay qabaan cabasho ku aadan in mushaar kordhin loo sameeyo,waxaana taasi ay keentay in isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ay hakadaan,isla markaana qadka Internet-ka si KMG ah loo demiyo.

- Advertisement -

Ciidamadaas ayaa ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran,waxana ay ku sugan yihiin Afaafka hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed,waxana ay taasi walaac ku abuurtay bulshada Magalada Adis Ababa.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa daqiiqado kadib ciidamaas u soo baxay,isaga oo ku amray inay jimicsi sameeyaan taa soo u muuqatay mid uu ciqab uga dhigayay,waxaana daqiiqado kadib ay halkaasi ka tageen,iyaga oo farxad laga dareemayay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa ciidamada la hadlay waxana uu ka codsaday inay gutaan waajibaadka qaran ee loo dhiibay.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts