HomeCaalamkaAabo lagu helay in uu dilay gabadhiisa oo 8 jir ah

Aabo lagu helay in uu dilay gabadhiisa oo 8 jir ah

Date:

Related stories

Madoobe oo Qatar la wadaagay baahiyaha horumarinta Koonfur Galbeed

Madoobe oo Qatar kula wadatay horumarinta Koonfur Galbeed Muqdisho, 18...

Carruurta Soomaaliya oo xarumo cusub ku helaya ilaalin iyo karaamo

Carruurta Soomaaliya oo xarumo cusub ku helaya ilaalin iyo...

Xukuumada Somalia oo cambaareeyay booqashada Somaliland ee Falastiin

Xamsa oo cambaareeyay booqashada Somaliland ee Falastiin Muqdisho, Khamiis 18...

Somalia oo ku baaqay dadaallada lagu yareynayo saboolnimada carruurta

SoDMA oo ka hadashay saboolnimada carruurta Soomaaliyeed Muqdisho, 18 Juun...
- Advertisement -

Nin gabar uu dhalay oo siddeed jir ah xabadka mindi ka galiyay isaga oo xaaskiisii hore ka aarsanaya ayaa lagu helay in uu dil gaystay.

William Billingham oo 55 jir ah ayaa mindida jikada adeegsaday si uu u dilo Mylee isaga oo iska dhago tiray cabaadkii ka kaxayay gabadha 20 bishii Janaayo.

- Advertisement -

Maxkamadda Birmingham Crown Court ayaa dhagaysatay in uu gabadha yar dilay wakhti yar ka dib markii uu hooyadeed Tracey Taundry qoorta ka saaray mindi.

Billingham ayaa lagu helay dil iyo in uu ku hanjabay in uu dilayo Taundry.

Guurtidii dacwadda qaadaysay ayaa 80 daqiiqo isla eegay dacwaddo ka hor intii aysan isku raacin in Billingham uu galay labadaas dambiba.

- Advertisement -

Ninkan shaqo la’aanta ah ee warshadaha ka hawlgali jiray ayaan maxkamadda siinin wax caddayn ah wuxuuna sheegay in uusan xasuusanin in uu toori galiyay Mylee.

Wuxuu sheegay in uu galay dambi ka sahlan midka hadda loo haysto isla markaasna uu gaystay dil aan bareer ahayn maadaama oo uu qulub hayay.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in Billingham uu carro kula dhacay gabadhiisa Mylee ka dib markii Taundry ay xiriir la billawday gabar kale.

Latest stories