HomeCaalamkaShaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida oo mushaar la'aan ka cabanaya

Shaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida oo mushaar la’aan ka cabanaya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Inta badan shaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaan wax mushahaar ah qaadanin labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay BBC-da u xaqjiyeen mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo shaqaale aan mushaar qaadaninba. Shaqaalaha magaalada Jigjiga ayaa iyagu qaatay mushaar hal bil ah, wararkuna waxay sheegayaan in bil kale ay wali ka maqan tahay. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Inta badan shaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaan wax mushahaar ah qaadanin labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay BBC-da u xaqjiyeen mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo shaqaale aan mushaar qaadaninba.

Shaqaalaha magaalada Jigjiga ayaa iyagu qaatay mushaar hal bil ah, wararkuna waxay sheegayaan in bil kale ay wali ka maqan tahay.

- Advertisement -

Daganaansho la’aantii siyaasadeed iyo isbaddalkii baaxadda lahaa ee ka dhacay Jigjiga ayaa horseeday in ay hawlgab inta badan wasaaradihii iyo adeegyadii ay bixin jireen.

Mushahaar la’aanta ayaa saamayn baaxad leh ku yeelatay shaqaale hoosaadka.

“Waxaan ahay aabo dhalay toddobo carruur ah, mushaar ma qaadanin labo bilood, maciishaddii way qaaliyowday, labo ciidood ayaa na soo maray, marka nolosha ayaan la daalaa dhacaynaa” ayuu yiri Cabdiraxman Axmed oo Caamir ku magac dheer oo bare ka ah magaalada Shaygoosh ee gobolka Qoraxay.

- Advertisement -

Wasaaradda waxbarashada ayaa labada bilood ee ugu dambeeya sannadka dalka Itoobiya macallimiinta siisa waxbarasho bilaash oo ay bixiyaan koleejyada iyo jaamacadaha Itoobiya si sare loogu qaado aqoontooda.

Sidaas daraadeed macallimiinta gobollada ayay mushaar la’aantu saamaynta ugu badan ku yeelatay, sababtuna waxay tahay in dhammaantood waxbarasho loo geeyay meel ka baxsan goobihii ay ka shaqaynayeen.

“Soomaalidu waa dad iska firfircoon oo badankood way soo laabteen nin ehelkiisu ay gacan qabteen iyo mid si kale ku yimaadaba, haddase waxaa adag sidii loo hawlgalin lahaa maadaama ay qatan yihiin, ayuu yiri macalin Caamir.

Waxaa jira warar aad loo hadal hayo oo sheegaya in mushahaar la siiyay macallimiintii aan Soomaalida ahayn ee deegaanka ka shaqaynayay, balse BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto.

Waxaa hadda la joogaa xilligii iskuulladu ay dib u furmayeen waxaana laga cabsi qabaa in mushaar la’aantu ay saamayso waxbrashada sannad dugsiyeedka dalka Itoobiya ee 2011 oo hadda uun billawday, ayadoo haddii aan mushaar loo helin macallimiinta laga cabsi qabo inay iskuullada tegi waayaan.

“Waxaan ogahay macallin guryaha dhisa si uu nolol maalmeed uga raadsado” ayuu Caamir intaas ku sii daray.

“In shaa Allaah waxaan rajaynaynaa in xukuummadu ay soo dadajiso xalka” ayuu yiri caamir oo ka garawsan baaxadda uu lahaa isbadalka deegaanka ka dhacay iyo culayska xukuumadda cusub haysta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts