HomeCaalamkaWadahadalladii Mareykanka iyo Canada oo guuldareystay

Wadahadalladii Mareykanka iyo Canada oo guuldareystay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Waddamada Mareykanka iyo Canada ayaa ku heshiin waayay wada xaajoodyada ku saabsan ganacsiga xorta ah ee waddamada woqooyiga Ameerika.

Wadahadalladani ayaa socday muddo toddobaad ah, waxaana la rajeynayaa in mar kale usbuuca dambe ay dib u billowdaan.

- Advertisement -

Balse madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu heshiis laba geesood ah la galayo dalka Mexico, waa haddii buu yiri Canada iyo Mareykanka ay ku heshiin waayaan wada xaajoodka usbuuca dambe.

Wakiilka Mareykanka ee arrimaha ganacsiga, Robert Lighthizer, ayaa sheegay in Canada haddii dooneyso ay heshiiskani ganacsiga xorta ah ee woqooyiga Ameerika ay ku soo biiri karto.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Canada Chrystia Freeland oo shir jaraa’id qabatay ayaa sheegtay in labada dhinacba ay muujinayaan niyad wanaag, haddii la isku afgarta heshiiskaasina uu dan u yahay saddexda waddan ee kala ah Mareykanka, Canada iyo Mexico.

- Advertisement -

Balse waxa ay caddeysay in dalkeeda uusan marnaba saxiixi doonin heshiis aan dani ugu jirin shaqaalaha, qoysaska iyo ganacsiga reer Canada.

Latest stories