HomeCaalamkaMareykanka oo dhaqaalaha ka jaranaya hay'ad taageerta Falastiyiniinta

Mareykanka oo dhaqaalaha ka jaranaya hay’ad taageerta Falastiyiniinta

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta. Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu gebi ahaanaba hakinayo lacagta uu ugu deeqo hay’addaasi Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiyiniinta ee UNRWA. Heather Nauert oo ah afhayeenka waaxda arrimaha […]

- Advertisement -

Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu gebi ahaanaba hakinayo lacagta uu ugu deeqo hay’addaasi Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiyiniinta ee UNRWA.

- Advertisement -

Heather Nauert oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu qiimeyn ku sameeyay hay’addani isla markaana uu go’aansaday in lacag dheeraad ah aan loogu yaboohin mar dambe.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa Mareykanka waxa uu shaaciyay in uu xayirayo in kabadan kala bar dhaqaalaha uu siin jiray hay’addaasi.

Hay’adda UNRWA ayaa hadda taageerta in kabadan shan milyan oo qof oo ku nool guud ahaan gobolka bariga dhexe, waxa ayna gacan ka geysataa caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

- Advertisement -

Mareykanka ayaa boqolkiiba soddon bixiya kharashka hay’addani ay ku hawlgasho, waxaana sanadkii 2016 uu siiyay kharash gaaraya 368 milyan oo doolar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in dalkiisu uu kordhin doono lacagaha deeqda ahi ee uu siiyo hay’addani maadaama ay dhaqaale xumo soo wajaheyso.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories