HomeCaalamkaDowladda Britain oo dhaqaale horleh u ballan qaaday AMISOM

Dowladda Britain oo dhaqaale horleh u ballan qaaday AMISOM

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ra’iisal wasaarha Ingiriiska Theresa May oo maalmahan socdaal ku maraysay dalal Afrikaan ah ayaa maanta kulan kula yeelatay magaalada Nairobi madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, halkaas oo ay socdaalkeedii saddexda maalmood ahaa ee Afrika ku soo gabagabaynayso. May oo kulankaas ka dib hadashay ayaa tiri UK ayaa hadda ah dalka maalgashiga u badan ku sameeya Kenya, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisal wasaarha Ingiriiska Theresa May oo maalmahan socdaal ku maraysay dalal Afrikaan ah ayaa maanta kulan kula yeelatay magaalada Nairobi madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, halkaas oo ay socdaalkeedii saddexda maalmood ahaa ee Afrika ku soo gabagabaynayso.

May oo kulankaas ka dib hadashay ayaa tiri

- Advertisement -

UK ayaa hadda ah dalka maalgashiga u badan ku sameeya Kenya, waxaana todobaadkan soo bandhigay qoyshaheenna ku aaddan sidii aan ku noqon lahayn dalka ugu horreeya waddamada G7 ee maalgashiga u badan ku sameeya qaaradda Afrika marka laga gaaro sannadka 2022. Xilli ay Britain isu diyaarinayso inay ka baxdo Midowga Yurub, ayaa waxaa naga go’an inaan xaqiijino in si habsami leh uu u socdo ganacsiga ka dhexeeya labadeenna dal, anagoo ganacsigeenna xooggan asaas uga dhigayno si aan fursado kale ugu helno shirkadaheenna iyo dadkeenna.

Dhanka kalana waxay xukuumadda labada dal kala saxiixan doonaan heshiis u fududayn doona in Kenya ay dib u soo ceshato hantida dawladda lagaga xaday musuqumaasuqa.

Uhuru Kenyatta oo faahfaahin ka bixinaya arrimaha kale ee masuuliyiintu ay isla soo qaadeen ayaa yiri

- Advertisement -

Waxaan aragnay inay hoos u dhacday khatarta gobolkeeda nugul uga imanaysa argagaxisada. Waxaan soo dhaweneynaa ballan qaadka UK ee ah inay taageerayso howlgalka muhiimka ah ee AMISOM, dalalka kale ee caalamkana waxaan ugu baaqaynaa inay sidaa oo kale sameeyana. Dhanka kale waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa inaan ugu baaqo maalgashatada Britain inay ka faa’iideysataan mashaariicda waaweyn ee afarta ah ee hormarinta dalkeena, ayadoo maanka lagu hayo in maalgashi kasta oo dalkan lagu sameeyo ay hubaal tahay inay ka faa’iidayaan maalgashatada iyo anaguba.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts