HomeWararWararkii u dambeeyey ee xaalada Magaalada Baladweyne

Wararkii u dambeeyey ee xaalada Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Waxaa Caawa xaalad deganaansho ah laga dareemayaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo Galabta uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,kadib markii maleeshiyaad ay weerareen saldhiga Magaaladaas. Dagaalka oo u dhaxeeyey maleeshiyo beeleed hubeysan iyo Ciidamo isugu jira boolis iyo Millateri oo ku sugan Saldhiga Magalada Baladweyne,waxana uu salka ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Caawa xaalad deganaansho ah laga dareemayaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo Galabta uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,kadib markii maleeshiyaad ay weerareen saldhiga Magaaladaas.

Dagaalka oo u dhaxeeyey maleeshiyo beeleed hubeysan iyo Ciidamo isugu jira boolis iyo Millateri oo ku sugan Saldhiga Magalada Baladweyne,waxana uu salka ku hayey dil shalay Baladweyne loogu geystay Darawal Mooto Bajaaj.

- Advertisement -

In kastoo xaaladu Caawa ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa jirta cabsi ay dareemayaan maadaama ay weli ishor-fadhiyaan maleeshiyaadkii iyo Ciidamadii wada dagaalamay.

Dagaalkii ka dhacay Magalada Baladweyne ayaa waxa uu sababay dhimashada Saddex ruux oo Shacab ah iyo dhaawaca laba kale,kuwaas oo la geeyey Isbitaalka Magalada Baladweyne.

Warark aan Caawa heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ay socoto waan waan lagu xalinayo dagaalkii dhacay iyo khilaafka jira,isla markaana askarigii shalay dilka geystay lagu wareejiyey Ciidamada Millateriga ah eek u sugan Baladweyne.

- Advertisement -

Dad ku sugan Baladweyne ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in weli Goobaha Ganacsiga ay xiran yihiin,sidoo kalena goobihii lagu dagaalamay aan la geli Karin maadaama weli Ciidamadii dagaalamay ay ishor-fadhiyaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts