HomeCaalamkaDowladda Qatar oo balan qaad cusub u sameysay Soomaaliya

Dowladda Qatar oo balan qaad cusub u sameysay Soomaaliya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaana ay kawada hadleen arrimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Qatar. Taliyaha iyo Safiirka, ayaa si gaar ah uga wada hadlay siddii Dawladda Qatar ay uga qeyb qaadan laheyd Tababarka, dhismaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaana ay kawada hadleen arrimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Qatar.

Taliyaha iyo Safiirka, ayaa si gaar ah uga wada hadlay siddii Dawladda Qatar ay uga qeyb qaadan laheyd Tababarka, dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dib u dayactirka qaar kamid ah Xarumaha Booliska ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

- Advertisement -

Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa sheegay in Dawladdiisa ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato Horumarka dalka iyo dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa uga mahad celiyey Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey.

“Waxaan kulan la qaatay Safiirka dawladda Qatar ee Soomaaliya oo aan kala hadlay inay garab nagu siiyaan dadaalka aan ugu jirno dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dhanka tababarada iyo qalabka, Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu iigu soo dhaweeyey Xarunta Safaaradda Qatar ee Soomaaliya” S/gaas Bashiir Ameeriko.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts