HomeWararDhageyso:-Qalbi Dhagax oo shaaciyey Shaqsiyaadkii fududeeyey in Itoobiya lagu wareejiyo

Dhageyso:-Qalbi Dhagax oo shaaciyey Shaqsiyaadkii fududeeyey in Itoobiya lagu wareejiyo

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maalmo kadib Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa markii laga siidaayey Xabsigii uu ku jiray ayaa waxa uu ka hadlay dadkii ku lugta lahaa ama ka dambeeyey in lagu wareejiyo dowladda Itoobiya. Qalbi Dhagax waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya ay ka qabteen Magalada Gaalkacyo,isla markaana mudo Saddex cisho ah uu ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maalmo kadib Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa markii laga siidaayey Xabsigii uu ku jiray ayaa waxa uu ka hadlay dadkii ku lugta lahaa ama ka dambeeyey in lagu wareejiyo dowladda Itoobiya.

Qalbi Dhagax waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya ay ka qabteen Magalada Gaalkacyo,isla markaana mudo Saddex cisho ah uu ku xirnaa halkaas kadibna ay u soo wareejiyeen Xabsiga Godka Jilacow ee M/Muqdisho.

- Advertisement -

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in sidoo kale mudadii uu ku xirnaa Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lixda Cisho aheyd ay ogaayeen madaxda ugu sareysa dowladda balse ay go’aankii lagu wareejiyey ay lahaayeen,lix maalin kadibna isaga oo Gacmaha iyo indhaha ka xiran loogu duuliyey Itoobiya.

Sigaar ah ayuu sheegay in xarigiisa iyo in Itoobiya lagu wareejiyo uu u lahaa taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe,sidoo kalena ay la ogaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa markii sirasmi ah loo xaqiijiyey in lagu wareejiyey dowladda Itoobiya,waxaaa ka dhalatay xiisad Siyaasadeed,iyada oo xilligaas oo aheyd Bishii Agaust Sanadkii tegay ee 2017 Golaha Wasiirada soomaaliya shir ay yeesheen ay ku sheegeen in Qalbi Dhagax uu ka tirsanaa Urur argagaxiso kaas oo lagu Magacaabo ONLF.

- Advertisement -

Gaba gabadii waxa uu sheegay in dhawaan uu u duuli doono Magalada Nairobi ee dalka Kenya,sidoo kalena ehelkiisa iyo asxaabtiisa uu booqan doono,safarkiisa xigana uu noqon doono Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts