HomeMaqalDEGDEG: Daawo:-Qarax ka dhacay Fagaaro uu Ra’iisul-Wasaaraha Ethiopia ka khudbaynayey

DEGDEG: Daawo:-Qarax ka dhacay Fagaaro uu Ra’iisul-Wasaaraha Ethiopia ka khudbaynayey

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Qaraxaasi ayaa lala beegsaday Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayey Siyaasadda Ra’isul-wasaraaha Cusub ee dalkaasi, Abyi Ahmed, kaasi oo maanta ka dhacay Fagaaraha  Meskel Square ee bartamaha magaalladda Addis Abeba. Warar kala duwan ayaana ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo la sheegay inay dhowr qof ku dhaawacmeen. Shabakadda Wararka ee The Addis Standard waxay […]

- Advertisement -

Qaraxaasi ayaa lala beegsaday Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayey Siyaasadda Ra’isul-wasaraaha Cusub ee dalkaasi, Abyi Ahmed, kaasi oo maanta ka dhacay Fagaaraha  Meskel Square ee bartamaha magaalladda Addis Abeba.

Warar kala duwan ayaana ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo la sheegay inay dhowr qof ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Shabakadda Wararka ee The Addis Standard waxay ka soo xigatay Sarkaal Bolis oo sheegay inuu Qaraxaasi ahaa qarax yar iyo inay dhowr qof ku dhaawacmeen.

Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa qortay in qarax laga maqlay Dibadbax ka dhacay magaalladad Addis Abeba, oo lagu taageerayey Ra’isul-wasaare Abyi Ahmed oo isagu bishii April xilkaasi loo doortay.

“Waxa uu ahaa Bam-gacmeed, qof ayaa isku dayey inuu ku dhaawaco dadkii joogay goobta laga khudbayney, halkaasi oo uu Ra’isul-wasaaruhu ku sugnaa” ayuu yiri Seyoum Reshome oo xubin ka ah Guddiga Qabanqaabadda,

- Advertisement -

Wuxuuna intaasi ku daray in waxa dhacay uu ahaa Bam-gacmeed.

Muuqaal Video oo la soo dhigay Baraha Bulshadda waxa uu muujinayey Ilaaladda Khaaska ee Ra’isul-wasaare Abyi Axmed ka saaraya goobta Dibadbaxa, wax yar kadib, markii uu qaraxu dhacay.

Latest stories