HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare, qorshe hawleedka Maamulka Gobolka. Guddoomiyeha ayaa u soo bandhigay Guddiga warbixin guud oo ku saabsan waxqabadka Maamulka Gobolka Benaadir, isagoona si gaar ah diiradda ugu saaray arrimaha Amniga, siyaadda, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare, qorshe hawleedka Maamulka Gobolka.

Guddoomiyeha ayaa u soo bandhigay Guddiga warbixin guud oo ku saabsan waxqabadka Maamulka Gobolka Benaadir, isagoona si gaar ah diiradda ugu saaray arrimaha Amniga, siyaadda, bulshada, shaqooyinka Dawladaha Hoose iyo hannaanka maaliyadeed ee Gobolka.

- Advertisement -

Eng.Yarisow ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ka dhanka ah musuq-maasuqa ee la qaaday muddadii boqol casho ahayd ee uu xilka hayey, iyadoona sidoo kale la wadaagay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare falalka musuq maasuq ee laga hortagay iyo qorshayeesha lagu xaqiijinayo hufnaanta hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee Gobolka Benaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta laamaha ammaanka heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Benaadir, isagoona tilmaamay in ay ka shaqeeyeen xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin shacabka Gobolku sugidda ammaanka iyo la shaqeynta hay’adaha amniga.

Xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare oo Guddomiye Yarisow su’aalo ka waydiiyey guud ahaan shaqooyinka Maamulka Gobolka iyo xiriirka kala dhaxeeya hay’adaha Dawladda ayaa ku bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo warbixinta uu ka siiyey qorshe hawleedka Maamulka Gobolka Benaadir.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts