HomeWararXarakadda Alshabaab oo Xukun Dil ah ku fulisay Askari u dhashay Uganda.

Xarakadda Alshabaab oo Xukun Dil ah ku fulisay Askari u dhashay Uganda.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Alshabaab ayaa so obandhigtay Muuqaal Video oo muujinaya ukun Dil oo lagu fuliyey Askari u dhashay Uganda, kaasi oo  lagu qabtay Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii September  1-dii ee sannadkii 2015-dii ku qaadeen Saldhiggii ay Ciiddanka AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose, laguna dilay in ka badan 50 Askari oo Ugandese ahaa. Muuqaalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Alshabaab ayaa so obandhigtay Muuqaal Video oo muujinaya ukun Dil oo lagu fuliyey Askari u dhashay Uganda, kaasi oo  lagu qabtay Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii September  1-dii ee sannadkii 2015-dii ku qaadeen Saldhiggii ay Ciiddanka AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose, laguna dilay in ka badan 50 Askari oo Ugandese ahaa.

Muuqaalka ayaa laga arkayaa Askariga Maxbuuska oo la oran jirey Masassasa M.Y., kaasi oo inta aan xukunka dilka lagu fulinin akhriyey Qoraal, isagoo sheegay inay Ciiddanka Uganda u yimaadeen Somalia si ay u helaan Lacag oo keliya.

- Advertisement -

Waxa uu ugu baaqay Askarta Uganda inay joogaan dalkooda hooyo, oo aysan oggolaanin in loo soo daabulo Somalia.

Bishii September ee sannadkii hore, waxay Xarakadda Alshabaab soo bandhigeen Muuqaalka Askarigan Ugandese-ka ee lagu fuliyey Xukunka Dilka, kaasi oo xilligaasi ka codsaday Madaxweyne Yoweri Museveni inuu ka shaqeeyo sidii isaga loo badbaadin lahaa.

Dhinaca kale, Dowladda Uganda iyo Hawlgalka AMISOM weli wax hadal ah kama soo saarin Askarigaasi maxbuuska ee ay Alshabaab xukunka dilka ku fulisay.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts