HomeWararKanada oo lagu maxkamadayn doono Muwaadin Somali oo ku lug lahaa Suxufiyiin...

Kanada oo lagu maxkamadayn doono Muwaadin Somali oo ku lug lahaa Suxufiyiin Ajnabi oo lagu qafaashay Muqdisho.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Cali Cumar Adeer oo in ka badan 2 sanno ku xiran Xabsi ku yaalla dalka Kanada ayaa la sheegay in  dacwadiisa la dhegeysan doono bisha October ee sannadka soo socda. Eedeysanayaashaasi ayaa loo haystaa inay isaga iyo koox kale afduubteen Saxafiyad u dhalatay Kanada oo lagu magacaabo Amanda Lindhout iyo Sawir-qaade Nigel Brennan oo u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cali Cumar Adeer oo in ka badan 2 sanno ku xiran Xabsi ku yaalla dalka Kanada ayaa la sheegay in  dacwadiisa la dhegeysan doono bisha October ee sannadka soo socda.

Eedeysanayaashaasi ayaa loo haystaa inay isaga iyo koox kale afduubteen Saxafiyad u dhalatay Kanada oo lagu magacaabo Amanda Lindhout iyo Sawir-qaade Nigel Brennan oo u dhashay dalka Australia.

- Advertisement -

Suxufiyiintaasi waxaa bishii August ee sannadkii 2008-dii laga qafaashay duleedka magaalladda Muqdisho, waxaana la si idaayey bishii November 25-dii ee sannadkii 2009-kii, markii la bixiyey Lacago madax-furasho ah.

Cali Cumar Adeer oo 39-jir ah waxa uu wajihi doonaa dacwad ku aadan doorka uu ka qaatay Afduubkaasi, isagoo isku sheegay inuu yahay Dhexdhexaadiye u kala dab qaaday Afduubayaasha iyo Eheladda Suxufiyiinta afduubnaa.

Eedeysanahaasi ayaa lagu soo qabtay Hawlgal qarsoodi ah oo ay Ciiddanka Kanada fuliyeen bishii June ee sannadkii hore, waxaana si qarsoodi ah loogu soo duuliyey caasimadda dalkaasi ee Ottawa.

- Advertisement -

Qareenka u doodaya Eedeysanaha oo lagu mgacaabo Samiir Aadam ayaa ka gaabsaday inuu Saxaafadda la wadaago Kiiska loo haysto Eedeysanaha.

Dhinaca kale, Saxafiyadda Amanda Lindhout oo 35-jir ah waxaa aad looga iibsaday Buug ay ka qortay 460-kmaalmood ee afduubka loo haystay.

Shirkadda Filimadda sameysa ee Hollywood ayaa diyaarinayso Filim laga samaynayo Dhacdada Afduubkeed.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts