HomeWararMadaxweynaha Galmudug oo ku amray Guddiga Xalinta Khilaafyadda ee Doorashadda Dadban inay...

Madaxweynaha Galmudug oo ku amray Guddiga Xalinta Khilaafyadda ee Doorashadda Dadban inay isaga baxaan Cadaado.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafyadda  Doorashadda Dadban uga wakiilka ahaa Doorashadda Galmudug lagu amray inay sida ugu dhaqsaha badan isaga baxaan Caasimadda KMG ee Maamulkaasi ee Cadaado. Madaxweynaha Galmuddug, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu bixiyey Amarkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo ku dhowdhow Maamulka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafyadda  Doorashadda Dadban uga wakiilka ahaa Doorashadda Galmudug lagu amray inay sida ugu dhaqsaha badan isaga baxaan Caasimadda KMG ee Maamulkaasi ee Cadaado.

Madaxweynaha Galmuddug, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu bixiyey Amarkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo ku dhowdhow Maamulka Galmudug.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafyadda Doorashadda Dadban ee u joogay Cadaado ayaa la sheegay inay dalbadeen Diyaarad Khaas oo ay dib ugu soo laabtaan magaalladda Muqdisho.

cadaadoMa kala cadda sababaha rasmiga ee uu Madaxweyne Guuleed qoonsaday, kuna soo cayriyey xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda.

Warkan ku aadan xubnaha Guddiga Khilaafyadda Doorshadda ee laga soo cayriyey Cadaado waxaa saxaafadda u soo dusiyey mid ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Maamul-gobaleedka Galmudug.

- Advertisement -

Maalmihii la soo dhaafay, waxay Guddiga Doorashadda Dadbam sheegeen inay Cabashooyin badan ka heleen qaar ka midd ah Ergooyinka Beelaha ka qeyb galayey Doorashadda xubnaha Galmudug uga mid noqonayo Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabada uu Madaxweynaha Galmudug ku soo cayriyey ayaa ku soo beegantay Toddobaad kadib, markii ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia soo saartay Qoraal lagu muujiyey inay Doorashadda ka dhacday Galmudug tahay tan ugu musuqa badan Doorashooyinka ka dhacay Maamul-gobaleedyadda kale.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts