HomeWararKooxaha Islaam-nacaybka oo qoraallo Hanjabaad xambaarsan ku daadiyey dhowr Masjid oo ku...

Kooxaha Islaam-nacaybka oo qoraallo Hanjabaad xambaarsan ku daadiyey dhowr Masjid oo ku yaalla Maraykanka iyo Sweden

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka ayaa ku baaqay in Ciiddamo dheeraad la dhigo Masaajidda, kadib, markii 3 Masjid oo ku yaalla Gobalka Kaliforniya heleen Qoraalo lagu cabsi geliyey Mslimiinta in la xasuuqi doono, iyadoo dhanka kale qoraaladaasi lagu bogaadiyey Madaxweynaha la-doortay ee Donald Trump. Qoraalkaasi oo far-gacmeed ahaa waxaa  lagu muujiyey inuu Donald Trump u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka ayaa ku baaqay in Ciiddamo dheeraad la dhigo Masaajidda, kadib, markii 3 Masjid oo ku yaalla Gobalka Kaliforniya heleen Qoraalo lagu cabsi geliyey Mslimiinta in la xasuuqi doono, iyadoo dhanka kale qoraaladaasi lagu bogaadiyey Madaxweynaha la-doortay ee Donald Trump.

Qoraalkaasi oo far-gacmeed ahaa waxaa  lagu muujiyey inuu Donald Trump u xasuuqi doono Muslimiinta sidii uu Naasigii Hitler u xasuuqay Yuhuudda.

- Advertisement -

Wargeyska The Los Angeles ayaa qoray in 2 masjid oo ku yaalla Deegaanka Los Angeles heleen digniinahaasi maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, halka Masjidka ku yaalla San Jose heleen Khamiistii la soo dhaafay.

Afhayeenka Waaxda Boliska Deegaanka San Jose, Saddex Alifle Enrikue Garsiya ayaa sheegay inay fureen Baaritaan buuxa, isla markaana arrintaasi u arkaan Shil dhiirigelinaya Nacaybka.

 

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kooxo aan la aqoonin ayaa waxay Hadalo Nacayb leh ku qoreen Derbiyadda Masjid ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stocholm.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Kooxahaasi waxyaabo baaruud ah ku tuureen Masjidka  Aroortii hore ee shalay oo Sabti ahayd.

Saraakiisha Muslimiinta ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Swedish News Agency ee TT inay kooxaha Islaam-nacayb ku qoreen “Dila Muslimiinta” Derbiga Masjidkaasi oo ku yaalla Deegaanka Bredäng ee Koonfurta Stockholm.

handadaad-swedishka

qoraal-islaam-nacayb

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts