HomeWararDowladda Turkiga oo shaqada ka joojisay 15,000 oo qof oo Shaqaale...

Dowladda Turkiga oo shaqada ka joojisay 15,000 oo qof oo Shaqaale ahaa.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda dalkaasi ayaa soo saartay Labo Wareegto oo lagu sheegay in 15-kun oo Shaqaale laga joojisay Shaqooyinkooda, kuwaasi oo ay ku jiraan Saraakiil Milliteri, Bolis iyo kuwo kale. Waxaa kaloo la xiray 375 Hay’adood iyo Warbaahino, kuwaasi oo ay ku socotay Baaritaanka la xiriiray Afgembigii Fashilmay ee ka dhacay dalkaasi bishii July 15-dii ee sannadkan. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda dalkaasi ayaa soo saartay Labo Wareegto oo lagu sheegay in 15-kun oo Shaqaale laga joojisay Shaqooyinkooda, kuwaasi oo ay ku jiraan Saraakiil Milliteri, Bolis iyo kuwo kale.

Waxaa kaloo la xiray 375 Hay’adood iyo Warbaahino, kuwaasi oo ay ku socotay Baaritaanka la xiriiray Afgembigii Fashilmay ee ka dhacay dalkaasi bishii July 15-dii ee sannadkan.

- Advertisement -

Ku-dhawaad 2,000 oo ka tirsan Ciiddanka Qalabka Sida, 7,600 oo Saraakiil Bolis iyo 400 ka tirsan Ciiddanka Ka-hortagga Rabshadaha iyo 5,000 Shaqaale oo ka tirsan Hay’addaha Dowladda, oo ay ku jiraan Dhakhaatiir, Engineero iyo Kalkaaliyayaal Caafimaad ayaa maanta laga cayriyey shaqada, iyagoo lala xiriirinayo Kooxaha Argagixisadda.

Dhinaca kale, in ka badan 11-kun oo Shaqaale ayaa horey  looga joojiyey Shaqada ama la ruqseeyey, kuwaasi oo ay ku jiraan Ciiddan Milliteri, Shaqaale Rayid, Garsoorayaal iyo kuwo kale.

Waxaa kaloo Xabsiga la dhigay 36-kun oo qof, kuwaasi oo lala xiriirinayo Afgembiga Fashilmay oo uu hoggaaminayey Fatxullaahi Guleen oo haatan ku nool dalka Maraykanka.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts