HomeWararDowladda Kenya oo lagu eedeeyey inay Qaxootiga Soomaalida si khasab ah ku...

Dowladda Kenya oo lagu eedeeyey inay Qaxootiga Soomaalida si khasab ah ku celiyaan.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Hay’adda Samafalka ee Golaha Qaxootiga Norway “The Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sheegtay inaysan Dowladda Kenya dhowrin Heshiiska Caalamiga ee Qaxootiga, isla markaana ay si khasab ah ku celinayaan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhaab. “Qorshaha Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ma aha gaarsiin Heer Caalami” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xoghayaha Guud ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Samafalka ee Golaha Qaxootiga Norway “The Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sheegtay inaysan Dowladda Kenya dhowrin Heshiiska Caalamiga ee Qaxootiga, isla markaana ay si khasab ah ku celinayaan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhaab.

“Qorshaha Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ma aha gaarsiin Heer Caalami” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Hay’adda NRC, Jan Egeland.

- Advertisement -

Wuxuuna intaasi ku daray inaysan Dowladda Kenya wax jawaab u haynin sababaha loo banaynayo Xeradda Dhadhaab oo Hoy u ahayn Boqolaal kun oo Qaxooti u badan Soomaali.

Xoghayaha Guud ee Hay’adda Samafalka ee Golaha Qaxootiga Norway waxa uu sheegay inay Dowladda Kenya ku muteysan karto Dembi tallaabadda ay sida khasabka ah ugu celinayaan Qaxootiga ama Magan-gelyo-doonka.

Waxa uu intaasi ku daray in cadaadiska lagu riixayo in ka badan 280,000 oo Qaxooti ka diiwaan gashan Xeradda Dhadhaab inay horseedi karto Maamul la’aan ku timaada dadkaasi dib loogu celinayo Somalia.

- Advertisement -

Qaxootiga ayaa ku soo laabanayo Somalia oo ay horey ugu dhibaataysnaayeen in ka badan Hal milyan oo qof oo laga barakaciyey guryahooda iyo shan milyan oo aan cunto ku filan haysan, iyadoo ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka weli dagaal kula jiraan Xarakadda Alshabaab.

Hay’adda UNHCR iyo Human Rights Watch ayaa horey si kulul u cambaareeyey Qorshaha ay Dowladda Kenya sida khasabka ugu celinayaa Qaxootiga Soomaalida, iyadoo Hab-dhaqankaasi qaldan khatar ku yahay Heshiiska Caalamiga ee Qaxootiga ee la saxiixay sannadkii 1951-kii ee (The 1951 Refugee Convention).

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts