HomeWararDowladaha Caalamka oo si isku mid u cambaareeyey Afgembigii Fashilmay ee dalka...

Dowladaha Caalamka oo si isku mid u cambaareeyey Afgembigii Fashilmay ee dalka Turkiga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Xioghayaha Guud ee M, Ban Ki-moon waxa uu ku baaqay Deganaansho, kadib, wuxuuna tilmaamay inay QM doonayso in faahfaahin laga bixiyo xaalladda dalka Turkiga. Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama waxa uu isagana ku booriyey dhamaan Xisbiyadda dalka Turkiga inay taageeraan Dowladda sida Dimuqraadiga loo soo doortay, lagana hortago qalalaase kasta oo uu dhiig ku daadan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xioghayaha Guud ee M, Ban Ki-moon waxa uu ku baaqay Deganaansho, kadib, wuxuuna tilmaamay inay QM doonayso in faahfaahin laga bixiyo xaalladda dalka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama waxa uu isagana ku booriyey dhamaan Xisbiyadda dalka Turkiga inay taageeraan Dowladda sida Dimuqraadiga loo soo doortay, lagana hortago qalalaase kasta oo uu dhiig ku daadan karo.

- Advertisement -

Xogahaha cusub ee Arrimaha dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson waxa uu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaalladda Turkiga.

Hadal qoraal oo la soo dhigay Websaytka Waaxda Arrimaha dibedda iyo Komanwelthiga ee dalka Britain waxay kula taliyeen Muwaadiniinta Britishka ee jooga Turkiga inaysan tegin goobaha ay Bulshadda isugu yimaadaan ilaa ay Xaalladu kala caddaanayso.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Iiraan, Javeed Zariif waxa uu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin Xiisadda Turkiga, wuxuuna ku baaqay Deganaansho, Midnimo, Dimuqraadiyad iyo Ammanka Turkiga
Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya, Sergey Lavarov iyo Saraakiil kale oo Raashiyaan ayaa ugu baaqday Muwaadiniintooda ku sugan Turkiga inay joogaan guryahooda.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalka Turkiga, Cabdalla Guul oo la hadlay Telefishinka CNN TURK  ayaa sheegay inaysan Turkiga ahayn dal ku yaalla Qaaradda Latin America.

Wuxuuna ugu baaqay kooxihii ka dambeeyey Afgembigaasi inay dib ugu laabtaan Xeryahooda.

Ra’isul-wasaarihii hore Turkiga,Axmed Dafutoglu waxa uu u sheegay Telefishinak Aljzeera inay Turki tahay Dimuqraadiyad.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan guuleysan doonin Afgembigaas.

Ra’isul-wasaarada Germany, Angel Merkel waxay ku baaqday in la xushmeeyo Dimuqraadiyadda Turkiga, si loo badbaadiyo nolosha dadka Turkiga.

Dhinaca kale,v Guddoomiyaha Golaha Europe, Donald Tusk ayaa ku baaqay in lagu laabto Dastuurka Turkiga, wuxuuna xusay inay Turkiga muhiim u tahay Europe.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts