HomeWararFinland oo Lacag ugu yaboohday Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Somalia.

Finland oo Lacag ugu yaboohday Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Somalia.

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

War Saxaafadeed ka soo baxay Bangiga Adduunka (Worl Bank) ayaa lagu sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Finland shalay Heshiis kula saxiixdeen magaalladda Nairobi, iyadoo Dowladda Finland ku wareejiyeen Bangiga Adduunka lacah dhan 4 million oo Euro oo loogu talagalay Taabagelinta Hiigsiga cusub ee Somalia. Safiirka Finland u jooga Somalia, Ambassador Tarja Fernández oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War Saxaafadeed ka soo baxay Bangiga Adduunka (Worl Bank) ayaa lagu sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Finland shalay Heshiis kula saxiixdeen magaalladda Nairobi, iyadoo Dowladda Finland ku wareejiyeen Bangiga Adduunka lacah dhan 4 million oo Euro oo loogu talagalay Taabagelinta Hiigsiga cusub ee Somalia.

Safiirka Finland u jooga Somalia, Ambassador Tarja Fernández oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheegay inay Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee Finland diiradda saaraan sidii loo taakuleyn lahaa dalalka ugu hooseeya horumarka iyo Dowladaha aan weli xoogeysanin.

- Advertisement -

Agaasime-gobaleedka Bangiga Adduunka ugu qaabilsan dalka Somalia, Bella Bird oo ka hadashay Munaasabadaasi ayaa sheegtay inay Dowladda Finland ku soo biirtay xilli wanaagsan Barnaamijka Kaalmooyinka kala duwan ee uu Bangiga Adduunka maamulo (The World Bank-administered Multi Partner Fund (MPF).

Waxay intaasi ku dartay in Barnaamihka (MPF) uu qalab muhiim u yahay Dib-u-soo-kabashadda Dhaqaalaha Somalia, Isbedelka Dowladnimo oo ay ku jiraan Nidaamka Federalismka.

Agaasime-gobaleedka Bangiga Adduunka ugu qaabilsan dalka Somalia, Bella Bird waxay kaloo tilmaamtay in mid ka mid ah Asaaska Nidaamka Hiigsiga Cusub ee Somalia yahay sidii loo dhisi lahaa, loona isticmaali lahaa Nidaamka Dalka.

- Advertisement -

Guud ahaan Dowladaha Caalamka waxay ballanqaadeen inay Barnaamijka Yabooha Lacageed ee ay World Bank maamulayso (MPF) ku shubeen lacag dhan 185 million.

Deeq-bixiyayaasha kale ee taageeradda siiya Barnaamijka MPF waxaa ka mid ah Midowga Europe, Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Sweden “The Swedish International Development Cooperation (SIDA), Hay’adda dalka Switzerland  ugu qaabilsan Horumarinta Iskaashiga ee SDC, Waaxda Britain ugu qaabilsab Horumarinta Caalamiga  (DfiD), Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Talyaaniga, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Denmark (DANIDA) iyo Maalgelinta Bangiga Adduunka ee Dowladnimadda iyo Dhismaha Nabadda ee “The World Bank State- and Peacebuilding Fund (SPF).

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts