HomeWararMadaxweynaha oo maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siin doona...

Madaxweynaha oo maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siin doona xaaladda Somalia

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siiyo xaaladda siyaasadda , amniga iyo arrimaha kale ee dhinaca horumarka ee Soomaaliya ka socda. Madaxweynaha oo xaley gaarey magaalada New York, ayaa warbixintiisa diiradda ku saari doonaa doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadkan 2016-ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siiyo xaaladda siyaasadda , amniga iyo arrimaha kale ee dhinaca horumarka ee Soomaaliya ka socda.

Madaxweynaha oo xaley gaarey magaalada New York, ayaa warbixintiisa diiradda ku saari doonaa doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadkan 2016-ka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Maalinta berri ah, waxaa uu Madaxweynaha khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo halka xaal marayo uu ka jeedin doonaa Machadka Caalamiga ah ee United States Institute of Peace ee magaalada Washington.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale 22-ka bishan ka mid noqonayaa madaxda caalamka ee xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ku saxiixi doona heshiiska cusub ee isbeddelka cimilada adduunka ee Paris Agreement, kaas oo hoos imaanaya barnaamijka Qaramada Midoobay ee United Nations Framework Convention on Climate Change (UNFCCC).

Hindisaha heshiiskan cusub ayaa la isku raacay bishii December 12- sannadkii 2015, balse waxaa uu rasmi ahaan dhaqangalayaa marka ay hoggaamiyeyaasha waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay qalinka ku duugaan maalinta Jimcaha ah.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inta uu joogo Mareykanka unuu kulamo la qaato qaar ka mid ah madaxda caalamka iyo diblomaasiyiin kale.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts