HomeWararSomali-Maraykan muhiim u ah War-u-geynta FBI-da oo la xiray

Somali-Maraykan muhiim u ah War-u-geynta FBI-da oo la xiray

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ninka muhiimka u ah Kiiska Dowladda Maraykanka ee ka dhanka ah Dhallinyaradda Soomaalida lagu eedeeynayo inay taageero siiyeen Kooxda Daacish ayaa la xiray isbuucii hore, kadib, markii lagu helay isagoo si sharci-darro u haysta qori. Qoraal Maxkamadeed isbuucan laga buuxiyey Ninkaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan C/rashiid Bashiir oo 20-jir ah ayaa la qabtay saqdii dhexe ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ninka muhiimka u ah Kiiska Dowladda Maraykanka ee ka dhanka ah Dhallinyaradda Soomaalida lagu eedeeynayo inay taageero siiyeen Kooxda Daacish ayaa la xiray isbuucii hore, kadib, markii lagu helay isagoo si sharci-darro u haysta qori.

Qoraal Maxkamadeed isbuucan laga buuxiyey Ninkaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan C/rashiid Bashiir oo 20-jir ah ayaa la qabtay saqdii dhexe ee Jimcihii la soo dhaafay, xilligaasi oo ay si kedis ah xabbad uga fakatay qori uu watay, inkastoo aysan cidna ku dhaawacmin xabbadaasi oo derbi ku dhacday.
Boliska waxay sheegeen in Ninkaasi waqti kooban la xiray, balse la sii daayey, kadib, markii la laabay Kiiska loo haystay.

- Advertisement -

Warbixinta Boliska ayaa lagu muujiyey inay Saraakiisha heleen hub,wargeysyo, khasnadah rasaasta iyo qaxyaabo kale.

Dhinaca kale, mar ay Warbaahinta Telefoonka kula xiriireen Eedeysanaha wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrinkaasi, isagoo sheegay inuu dhacay Isfaham la’aan oo keliya.

Eedeysane C/raxmaan C/rashiid Bashiir  waxa uu bilowgii sannadkii 2015kii bilaabay inay Hay’adda FBI u soo ururiyo Xogaha ku aadan Dhaallinyarada Soomaalida doonaysa inay ku biiraan Kooxda Daacish, wuxuuna FBI-da u far muuqay nus dersin Dhallinyaro doonaysay inay u socdaalaan dalka Syria si ay ugu biiraan Kooxda Dacaish, kuwaasi oo ay haatan ku socoto Dacwado.

- Advertisement -

Ninkaasi waxa uu weli haystaa Badbaadinta FBI-da, wuxuuna qorsheynayaa inu udhamaysto Waxbarashadda Dugsiga Sare, ka hor inta uusan go’aan ka gaarin shaqada kale ee uu ku biiri doono.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts