HomeWarar(SAWIRO): Muwaadin Somali dooxay Askar Kanadiyaan ah oo la soo taagay Maxkamadda...

(SAWIRO): Muwaadin Somali dooxay Askar Kanadiyaan ah oo la soo taagay Maxkamadda Toronto.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda magaalladda Toronto ee dalka Kanada waxaa shalay la soo taagay Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Ayaanle Xasan Cali, kaasi oo labo Askari ku dhaawacay Xarun laga qoro Askarta oo ku taalla Waqooyiga magaalladda Toronto. Eedeysanaha oo 27-jir ah waxa uu ku dhashay magaalladda Montereyaal ee dalka Kanada, waxaana lagu soo oogay 9 fal-dembiyeed oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda magaalladda Toronto ee dalka Kanada waxaa shalay la soo taagay Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Ayaanle Xasan Cali, kaasi oo labo Askari ku dhaawacay Xarun laga qoro Askarta oo ku taalla Waqooyiga magaalladda Toronto.

Eedeysanaha oo 27-jir ah waxa uu ku dhashay magaalladda Montereyaal ee dalka Kanada, waxaana lagu soo oogay 9 fal-dembiyeed oo ay ku jiraan isku-day dil iyo inuu haystay hub khatar ku ah bulshadda.

- Advertisement -

Garyaqaanka Eedeysanaha oo lagu magacaabo David Burke ayaa Suxufiyiinta ugu sheegay dibedda Maxkamadda inuu shilkaasi ahaa mid aad khatar u ah, oo uusan qofna doonaynin inuu iska yeelyeelo falkaasi.

Eedeysane Ayaanle Xasan Cali waxaa la sheegay inuu magaalladda Toronto ku noolaa shantii sanno ee la soo dhaafay, mana kala cadda sababaha uu Askarta ugu dooxay Dhismaha lagu diiwaan-geliyo Askarta cusub, waxaana Dhismahaasi qeyb ka deggan Xafiisyadda Baasabooradda Kanada.

Labo Askari ee la dhaawacay ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo fudud, mana jirto cabsi ku aadan inay khatar ku jirto noloshooda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ilo ku dhowdhow Jaalliyadda Soomaalida ayaa sheegay in laga yaabo inuu Eedeysanaha qabo xanuun dhinaca Dhimirka.

Eedeysanaha oo Cilmiga Injineernimadda ka bartay Jaamacadda “The University of Calgary” ayaa la filayaa in mar kale la soo taago Maxkamadda  bishan March 18-da oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socota.

AYANLE HASSAN 00
AYANLE HASSAN 04

AYANLE HASSAN ALI 2

ayaanle 11 ayanle 8

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts